Qaddiyadda Somaliland: Xaqiiqo Taariikheed, Dood Sharci iyo Rajada Aqoonsiga JSL…”

0
36

Qore Ibraahim Muuse Baqardhe

26-kii Juun 1960, Somaliland waxay ka xoroowday gumaystihii Ingiriiska, waxayna noqotay dal madax-bannaan oo si rasmi ah u helay aqoonsi caalami ah. Waxay xornimadeeda la mid ahayd dalalkii kale ee Afrika ee xornimada qaatay xilligaas, Somaliland waxay ahayd dalkii 17aad ee xoriyada qaata wadamada Afrika . Nasiib daro, shan maalmood ka bacdi, Somaliland waxay si mutadawacnimo ah ula gashay Soomaaliya heshiish aan sharci ahayn balse ahaa is-afgarad siyaasadeed (Political arrangement), iyada oo aan la sameyn wax heshiis sharci ah oo qoran.

Bilowgii Midowga iyo Burburkiisii Degdegga Ahaa

Wixii ka dambeeyay midowgaa aan sharciga ahayn ee dhacay 1-dii Luulyo 1960, dadkii reer Somaliland waxay isla markiiba dareemeen in ay ku hungoobeen midowgaas, galeena khalad siyaasadeed oo weyn. Halkaa waxa ka bilaabmay kacdoonno siyaasadeed iyo rabshado ay dadku uga dhiidhinayeen midowgii aan sharciga ahayn ee la galay.

Qodobbo Caddeynaya In Dadweynaha Somaliland Ka Soo Horjeedeen Midowga:

  1. Aftidii Dastuurka ee 1961: 20-kii Juun 1961 waxaa la qaaday afti dadweyne oo lagu ansixinayay dastuur cusub oo Soomaaliya yeelato. Dadweynaha Somaliland boqolkiiba 80% way ka hor yimaadeen dastuurka, magaalooyinka waaweyna sida Hargeysa, Burco, Berbera, iyo Ceerigaabo dadkii codkooda dhiibtay badankood “Maya” ayay u codeeyeen.
  2. Inqilaabkii Ciidamada 1961: Bishii December 1961, saraakiil da’yar oo ka soo jeeday Somaliland waxay isku dayeen in ay afgembiyaan xukuumaddii jirtey, iyaga oo damacsanaa in ay Somaliland xorriyadeedii dib u hesho. Markii maxkamadda la keenay saraakiishii inqilaabka samaysay, waxa la weydiiyay xeer sharci ah oo tilmaamaya midowgii Somaliland iyo Soomaaliya—waxba laguma helin. Maxkamaddu waxay xukunka ku laashay in midowgaasi sharciyad la’aan ahaa, sidaas darteedna la waayay sharci lagu maxkamadeeyo saraakiishii.
  3. Banaanbaxyadii 1963: Bishii Abriil 1963, kacdoon shacab ayaa ka dhacay Hargeysa, dadweynuhu waxay si weyn uga dhiidhiyeen cadaalad-darro lagu hayay shacabka Somaliland, iyo cashuurta la dul saaray.
  4. Is-casilaaddii Wasiirrada 1962: Bishii Sebtember 1962, qaar ka mid ah wasiirradii Somaliland waxay iska casileen xukuumaddii Muqdisho, waxayna ka dhiidhiyeen cadaalad-darradii ay la kulmayeen. Wax yar kadib, xildhibaannadii reer Somaliland ee Baarlamaanka Soomaaliya waxay gebi ahaanba isaga baxeen golaha, iyaga oo ka cabanaya boobka talada.

Kacaankii 1969 iyo Dhamaadkii Midowgii aan Sharciyada Lahayn

Bishii Oktoobar 1969, taladii Soomaaliya waxaa la wareegay Dawladii Kacaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre, afgembigaasi wuxuu gebi ahaanba meesha ka saaray wixii nidaam sharci ah ee jiray, sidoo kale wuxu meesha ka saaray is-afgaradkii siyaasadeed ee Somaliland iyo Somalia dhexmaray.

  • Dastuurkii waa la laalay, wixii sharci ahaa ee Soomaaliya lahayd ayaa gebi ahaanba meesha ka baxay. Ogow dastuurkan dadka reer Somaliland 80% waa ka codeeyeen.
  • Magacii Soomaaliya Ee Jamhuuriyada Soomaaliya waa la beddelay, waxaa laga dhigay Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga Soomaaliya.
  • Baarlamaankii waa la kala diray, taasi oo meesha ka saartay matalaaddii dadweynaha.
  • Raysal Wasaarihii iyo siyaasiyiintii waa la xidhay, waxayna taasi ka dhigtay in wixii xukun sharci ahba meesha ka baxeen.

Markii 1969 la sameeyay afgembiga, waxaa si rasmi ah meesha uga baxay wixii nidaam iyo is-afgarad siyaasadeed ahaa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya. Midowga Somaliland iyo Somaliland oo aan sharciyan jirin , waxa keliya oo bud-dhiga u ahaa wa is-afgaradkii siyaasadeed, balse taasina 1969 ay si toos ah meesha uga baxday, maadaama is-afgaradkaas ay meesha ka saartay Dawladdii Kacaanku.

Halgan Hubaysan iyo Dib u Helidda Xorriyadda

Kadib tobannaan sano oo cabburin iyo dulmi lagu hayay dadka reer Somaliland, waxay galeen halgan hubaysan. Ururkii SNM (Somali National Movement) ayaa hogaaminayay dagaalkii xoreynta Somaliland, waxaana dagaalkaasi ku dhammaaday in 1991 la soo celiyo xorriyaddii Somaliland, dibna Somaliland usoo ceshato madax-bannaanideedii ay qaadatay 26 Juun, 1960. 18-kii May 1991, shirkii Burco waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideedii, taas oo ah xaq sharci ah oo aan cidna ogolaansho looga baahnayn.

Marka aynu ka nimaadno, taariikhdaa kooban ee sheegaysa wixii sannadadii 1960 ilaa 1991, waxa jira dood sharci oo adag oo qadiyadda Somaliland salka ku hayso. Somaliland maaha dal cusub oo raba in uu dal kale ka go’o, balse waa dal hore u jiray oo soo ceshtay madax-bannaanidiisii.

Qodobbo Sharci ah oo Xoojinaya Dacwada Somaliland

  1. Midawgii 1960-kii ee Somaliland iyo Soomaaliya ma lahayn wax sharciyad ah qannuuniya. (Legally binding). Wuxuu ahaa is-afgarad siyaasadeed (Political arrangement), balse sharci ahaan lama ansixin, lama saxiixin, lagamana diiwaan gelin Qaramada Midoobay. Sidaas darteed, midowgaasi sharciyan wuu buray, maxkamad kasta oo sharcina sidaas ayey xukumaysaa. Sharciga Caalamiga heshiish kasta oo labo dal wada galaan haddii uuna ahayn legally binding, waa sharci aan sharciyad qaynnuun haysan.
  2. 1961 saraakiishii reer Somaliland ee sameeyey inqilaabkii fashilmay ee dhacay 1961 , markii maxkamada la horkeenay 1963 ee la is yidhi xukuma, waa la waayay HESHIIS QANUUNEED oo jidaynaya midowga labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo labada dhinac ee isku biiray ay kala saxeexdeen; kolkaas baa markii danbe la sii daayay saraakiishii. Waa caddayn kale oo weyn ina tusaysa in heshiish sharci dhexmarin labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.
  3. Somaliland waligeed ma lumin madax-bannaanideeda. Balse waxay si ku-meel-gaadh ah u gashay midow aan sharciyan la ansixin (Unratified union), 1991-kii waxay si buuxda somaliland u soo ceshatay xorriyadeeda. Sida sharciga caalamiga ahi dhigayo, Somaliland waa dal sii waday jiritaankiisii (State continuity), balse ma ahan dal go’ay (secession), maadaama ay horey u ahayd dal madax-bannaan oo helay xorriyaddiisa 26, June, 1960-kii.
  4. Somaliland waxay buuxisay dhammaan shuruudaha sharci ee dawladnimada. Dawladnimada Somaliland waxay waafaqsan tahay shuruudaha lagu qeexay Heshiiskii Montevideo (Montevideo Convention) ee dawladnimada, oo ay ka mid yihiin: dal leh dhul cayiman (Defined territory), dad degan (Permanent population), xukuumad shaqaynaysa (Functioning government), iyo in leedahay awood ay kula macaamisho dalalka kale (Capacity to engage in foreign relations). Dacwada dawladnimada somaliland waxay ku qotontaa nidaamka xornimo-raadinta (Decolonization) iyo dawladnimadeedii hore ee 26 June, 1960, mana aha dal cusub oo raba in uu dal kale ka go’o (Secessionist).
  5. Kiiska iyo qadiyada Somaliland waxaa xoojinaya mabda’a sharci ee Uti Possidetis Juris. Mabda’ani waa qaanuunka caalamiga ah ee xadaynaya xuduudaha gumeysigu reebo markii dal loo aqoonsanayo, wuxuu xaqiijinayaa in Somaliland ay xorriyadeeda ku heshay xuduudihii ay lahayd xilligii gumeysiga. Sidaas darteed, Somaliland waxay leedahay sheegasho sharci ah oo adag oo ku saleysan xuduudaheeda la aqoonsanaa 1960-kii.
  6. Midowga Afrika wuxuu qiray kiiska gaarka ah ee Somaliland iyo in Somaliland qadiyaddeedu salka ku hayso taariikhdii xornimo-doonka ee Afrika. Baadhitaan uu sameeyay Midowga Afrika sanadkii 2005-tii, wuxuu xaqiijiyay in: “Xaqiiqda ah in midowgii Somaliland iyo Soomaaliya aan la ansixin, isla markaana uuna shaqaynin intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1990, sidaas awgeed qadiyadda Somaliland waa kiis ka duwan dal go’aya, kiiska somaliland waa mid gaar ah oo sharciyeysan taariikh ahaan marka la eego siyaasadda Afrika.” (Historically unique and self-justified in African political history).

Tani waxay caddayn u tahay in hay’adda ugu sarreysa Afrika ay qirtay kiiska Somaliland, taasoo sii xoojinaysa doodda sharci ee madax-bannaanida somaliland.

  1. Somaliland waxay u shaqeyneysay sidii dal madax-bannaan muddo ka badan 30 sano.

Tan iyo markii ay xorriyadeeda dib u la soo noqotay 1991-kii, Somaliland waxay si buuxda uga madax-bannaaneed Soomaaliya. Waxay qabataa doorashooyin xor ah, waxay maamushaa dhaqaalaha iyo amnigeeda, waxayna leedahay hay’ado dawladeed oo si dhameystiran u shaqeeya, dhammaan kuwani waa astaamaha lagu garto dal madax-bannaan.

Gunnaanad, qaddiyada Somaliland iyo madax-bannaanideedu waa mid dood sharci iyo mid waaqac oo aan laga gudbi karin salka ku haysa. Rabitaanka dadka reer Somaliland, taariikhda dalnimo, ta sharciyeed, ta halgan iyo ta waaqaca maanta ka jira Somaliland, intuba waa kuwa aan laga gudbi karin, xoojinaya dalnimada iyo madax-bannaanida Somaliland in ay tahay mid ku fadhida dooddo dhumuc weyn oo haddii sida saxda ah loo galo, ay fududahay in Somaliland noqoto dal dunida laga aqoonsanyahay. Balse shaqo ayey u baahantahay iyo doodda sharci ee Somaliland la saxo.

“Lama helo wadaadow waxaan cidi ku hawshoone, Naftaa loo hantaaqaa waxay hiigso leedahaye”. Abwaan Timacadde”.