Wasaaradda Caafimaadka oo Daahfurtay Barnaamij Kor Loogu Qaadayo Tayada Adeeg-bixinta Caafimaadka ee dalka

0
31

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa Daah-furay Barnaamij kor loogu qaadayo tayada Adeeg-bixinta Caafimaadka ee dalka.

Munaasibad lagu qabtay xarunta wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL, aya lagu soo bandhigey qalab cusub oo lagu wareejin doono lix xarumood oo ah adeeg-bixiyayaasha caafimaadka ee dalka, waxaa ka soo qayb galay xubno ka mid ah masuuliyiinta wasaarada caafimaadka, masuuliyiinta Damal Caafimaad iyo marti sharaf kale.

Barnamijkaas ayaa qayb ka ahaa Barnamijka Damal Caafimaad oo iska kaashadaan Masuuliyiinta Wasaarada horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Bangiga Adduunku.

Qaar ka mid ahaa Masuuliyiinta Wasaarada horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Masuuliyiin ka socdey Damal Caafimaad ayaa goobtaas kaga Warbixiyey ahmiyadda qalabkaas cusubi u yeelan doona bulshada loogu adeegi doono.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Mudane Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa sheegay in qalabkani kaalin wax ku ool ah ka qaadan doono sugida xogta Caafimaadka ee dalka iyo xarumaha lagu wareejiyayba

Gaba-gabadii wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa sheegay in mudnaan gaar ah siinayaan horumarinta Caafimaadka ee dalka, isaga intaas ku daray ay ka wasaarad ahaan xil weyn iska saarayaan sidii ay markasta u horumarin lahaayeen adeeg-bixinta caafimaad ee dalka JSL.