Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa wareegto ku soo saaray nooca shidaalka ee dalka aan la keeni karrin ee ka mabnuuca ah.
Wareegtada waxa lagu sheegay in shidaalka Salfarta keenistiisu ay mabnuuc ka tahay, waxaana lagu socodsiiyay dhammaan dhammaan ganacsatada, waxaana lagu amray in aanay dalka keeni karin shidaal salfartiisu ka badan tahay 500 PPM.
Wareegtadan uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa u dhigneyd sidan.
“Ujeedo adkaynta jaangooynta heerka Salfarta ee shidaalka, anigoo tixraacaya warqada sumadeedu tyahay WG&D/DXW/03/0052/2019, kuna taariikheysan 27/4/2024, ujeedaduna ahayd jaangoynta heerka Salfarta ee shidaalka dalka soo gala, waxa aan sii adkayanayaa in aanay waxba iska bedelin, ee tahay sidii hore xadiga Salfarta ee shidaalka dalka soo gala ee ahaa inaan la keenin.
Sidaasi darteed waxa lagu wargelinaya dhammaan ganacsatada shidaalka dalka la la keeni karin, shidaalka Salfartiisu ka badan tahay 500 PPM, haddii keenana la celin doono”