Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, ayaa soo saartay wareegto wasiir oo lagu xoojinayo habraacyada dabagalka iyo qiimeynta .
Wareegtadan ayaa salka ku haysa ku haysa Xeer lagu salaynayo dadaallada lagu horumarinayo isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo waxtarka barnaamijyada horumarineed ee dalka ka socda.
Waxaa sidan lagu sheegay War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka JSL, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, waxaanu u dhigna sidan.
“Xeerkan cusub ayaa xoojinayaa iskaashiga u dhexeeya wasaaraddaha, hay’addaha dowliga ah, kuwa caalamiga ah iyo bahwadaagta horumarineed, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo waxtarka mashaariicda horumarineed.
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay hore u qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo nidaamyada maamul iyo horumarineed, waxaana xeerkan cusub uu qayb ka yahay dadaalladaas lagu wanaajinayo qorshaynta iyo qiimeynta mashaariicda dalka ka socda”.