Hargaysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta caafimaadka Jmahuuriyadda Somaliland ayaa daahfurtay ololaha dhiig shubid Qaranka, kaasi oo loogu talo-galay in qaybaha bulshadu ay dhiigooda ku tabarucaan bukaanada u baahan. Olalahaasi oo uu shalay si rasmi ah u daah-furay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Xuseen Bashiir Xirsi.
Munaasibada ololaha dhiig shubida Qaranka ayaa wax aka qayb galay xubo ka tirsan golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu qayb ka yahay wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda, kaasi oo maanta (shalay) ka bilaabmay guud ahaan gobolladda iyo dagmooyinka dalka si loo helo dhiig kayd ah oo lagu badbaadiyo bukaanada u baahan in lagu shubo dhiig.
Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Soamliland Dr Axmed Saki Maxamuud Jaamac ayaa ka waramay ujeedada ololaha dhiig shubida Qaranka, waxaanu xusay in ay ololahan ugu talogaleen inay ku badbaadiyaan bukaanada u baahan dhiiga.
Waxa kale oo uu xusay in ka wasaarad ahaa uu ololaha dhiig shubidu ugu jiray waxqabadka 100-ka maalmood ee u horeeya waxaanu sheegay
“ujeedooyinka aanu qabanay ololaha waxa kow ka ah waxa inagu soo food leh bishii barakaysnayd ee Ramadaan, bishaasi waad og tihiin oo dadku way sooman yihiin oo way sooman yihiin shaqaduna way badan tahay, dadkeena qaarna waxay aaminsan yihiin in aan dhiig la shubinba, si aan taasi uga hotagno oo aynu Hooyada uurka leh u badbaadino, qofka dhaawaca ah iyo xaaladaha ku yimaada sida deg degga ah si aanu ugu helono dhiig taasi waa ujeedada koowaad.
Ujeedada labaad waxa weeye inay wacyigalin ballaadhan u noqoto bulsha waynta Jamhuuriyadda Somaliland, in ay ogaadaan inay muhiim tahay dhiig shubidu oo ay dhiiga shubaan oo ay ugu deeqaan bulshadooda baahan.
Ujeedada sadexaada ee ololaha dhiig shubidu waa in aanu helno diiwaangalin rasmi ah oo aanu ku samayno deeqayaasha dhiiga, si aanu noocyadooda kala duwan ee dhiiga aanu u ogaano, waxa kale oo aan ka madhnayn baadhitaan aan ku samaynayno caafimaadka bulshada.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Samsam Maxamed Saalax oo munaasibada ololaha dhiig shibida Qaranka ka hadashay ayaa tilmaamtay in ay maalintani tahay maalin ku wayn ka wasaarad ahaa, loona baahan yahay in bulshadu ka wayb qaataan oo dhiigooda ku deeqaan.
Gebo’gabadii wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa bulshada la wadaagay fariin muhiim ah oo ku aadan deeq bixinta dhiiga iyo ololaha ay ka wasaarad ahaan daahfureenb waxaanu tilaamay
“ka wasaarad ahaa waxaanu fulinaynaa barnaamijka xibiga uu madaxwaynuhu ku ololeeyay ee aan ku guulaysanay ayay ka mid tahay, tana waxay kow ka tahay balan qaadyadii bulshada aanu u qaadnay in la sameeyo maalin Qaran.
Waxaan cod dheer u dirayaan dhammaan gobollada Somaliland oo runtii ololaha dhiig shubku ka bilaabmay in laga wada qayb qaato waliba si buuxda, dhiiga la bixinayaa wuu samaysmaa waxba qofka ma yeelayo, balse dadkeena ayaynu ku caawinaynaa.
Uma baahnin marka qof dhiig baxo in loo raadiyo dhiiga ku jira qof qaraabadii ah, Qaran baynu nahay waa in qofka dhakhtarka yaala marka uu u baahdo dhiig Talaagada looga soo saaro”.