Gar’adag (Dawan) Wasiir dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga oo ay weheliyaan Badhasaab ku xigeenka gobolka Sanaag iyo maamulka degmada gar-adag ayaa wareejiyey gaadhi iyo labadii nin oo watay oo habeen hore lagu afduubay deegaanka siigo-dheer ee gobolka Sanaag.
Gaadhiga iyo labada nin ayaa lagu af-duubtay doraad meel u dhaxaysa deegaanada Sin Caro iyo Siiga dheer, waxaana af-duuntay dhalinyaro Geeljire ah, balse dhacdada ka dib wax aka hawlgalay wsiir dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo Badhsaab ku xigeenka Sanaa goo kaashanaya laamaha amaanka degmada Gar’adag.
Saldhiga Booliska degmada Gar’adag ayaa lagu qabtay madal kooban oo lagu wareejinayo gaadhiga iyo labada nini, waxana ka war bixiyay taliyaha Booliska Gar’adag kaasi oo xusay inay dhacdadaasi ka hawlgaleen kuna soo guulaysteen.
Badhasaab ku xigeenka gobolka Sanaa goo madasha ka hadlay ayaa xusay in wasiir dawlaha arrimaha gudaha Somaliland oo kaalin muhiim ah ka qaatay dhacdadan iyo sidii loo soo afjari lahaa, waxaanu farin u diray bulshada gobolka Sagaan oo uu ugu baaqay inay ka waantoobaan ficilada noocaas ah.
Waxaanu sheegay in ciidamada amar ku qabaan in ay gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo fal noocan oo kale ah ku kacda, waxaanu sheegay in ay dawladu masuul ka tahay amniga isla markaasina aanay u dulqaadanayn cida nabadgelyadda waxyeelaynaysa.
Wasiir dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee gobolka Sanaag iyo maamulka gobolka oo mar kasta oo dhacdooyinkani dhacaan ka hawlgal soona gunaanada.
Wasiir dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa intaasi ku daray in loo baahan yahay falalkan oo kale in bulshadu ay gacmaha la iska qabsado oo aanay soo noq noqon, waxaanu tilmaamay in aanay waxba soo kordhinayn balse ay abuurayaan amni darro, taasi oo caqabad ku noqonaysa nololsha bulshada gobolka Sanaag.
Wasiir dawlaha arrimaha gudaha Somaliland ayaa u mahad celiyay dhamaan cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan iyo in si nabad ah lagu dhameeyo, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabadgelyadda gobolka.