Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in guud ahaan gobollada dalka laga hirgelinayo dugsiyo farsamo gacmeed, si loo yareeyo caqabadaha shaqo la’aanta dhallinyarada haysata.
Waxa kale oo uu xusay madaxweynuhu in bulshada kasta oo adduunka korkeeda ku nool in wax soo saarkeeda iyo koboceeda dhaqaale ku xidhan yahay kor u qaadista barashada xirfadaha shaqada iyo cududeeda shaqaale.
Geesta kale Madaxweynaha JSL, waxa uu sheegay in xukuumadu hirgelineyso barnaamij maalgelin loogu sameynayo dhallinyarada hal abuurka ah, waxaanu ganacsatada iyo baananka ka codsaday inay kaalin weyn ka qaataan, waxa uu intaas ku daray in xukuumadda waxqabad iyo wadajir ee uu gadh-wadeenka ka yahay ay kordhin doonto Miisaaniyada loo qoondeeyey waxbarashada farsamada gacanta iyo tabbabarrada xirfadaha gacanta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay Shirweynaha Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Xirfadaha ee heer Qaran, oo ay ka soo qayb galeen xubno kamid ah Golaha Wasiirrada Xildhibaano, Aqoonyahan iyo haldoor kale.
Waxaanu yidhi. “Waxa farxad ii ah in aan maanta goob joog ka ahaado in aan furo shir qiimo weyn ugu fadhiya Qaranka iyo horumarka bulshada, shaqo abuurka iyo koboca dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkani wuxuu u muuqda inuu xidhiidh la leeyahay Shirkii ka horeeyay ee wasaaradda shaqadu qabatay, fursad shirkani wuxuu u yahay xukuumadda, ganacsatada, aqoonyahanka, saaxiibada innagala shaqeeya horumarinta, ay isku waydaarsan karaan arrimaha dhiirigelinta u ah u ah waxbarashada iyo tababarada farsamada gacanta iyo xirfadaha suuqa shaqada Somaliland, looga baahan yahay”
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in shirkan laga filayo inay ka soo bixi doonaan haddii ILAAHEY yidhaahdo tallooyin iyo tilmaamo wax ka tari doona casrieynta Manhajka waxbarashada farsamada gacanta.
Waxaanu yidhi.“Waxa shirkani laga filaya inay ka soo baxaan tallooyin iyo tilmaamo wax ka tara dib-u-habeynta iyo casriyeynta Manhajka waxbarashada, farsamada gacanta iyo tababarada xirfadaha gacanta si loo helo muwaadiniin dabooli kara, baahida shaqo ee suuqada shaqada Somaliland.
Bulsha kasta wax soo saarkeeda iyo koboceeda dhaqaale waxa uu ku xidhan yahay xirfadaha cududa shaqaalaheeda,”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in guud ahaan gobollada dalka laga hirgelinayo dugsiyo farsamo gacmeed, si loo yareeyo caqabadaha shaqo la’aanta dhallinyarada haysata.
Waxaanu yidhi.“Caqabadaha Jamhuuriyadda Somaliland ka jira waxa ka mid ah in dhallinyaradu aanay lahayn xirfado shaqo ee farsamada gacanta ee looga baahan yahay suuqyada shaqada maadamada ay yar yihiin dugsiyada lagu barto farsamada gacanta, siyaasada xukuumaddu waa in gobolkasta la geeyo dugsi lagu barto farsamada gacanta oo sarre haddii ILLAAHEY yidhaahdo.
Si aynu u yareyno shaqo la’aanta waa inaynu dhallinyaradeena barno xirfadaha shaqada iyo farsamada Gacanta, kadibna ku wacyigelino kuna dhiirigelino inay iyagu la yimaadaan hal abuur ay ku curiyaan shaqo, taasi waxa ay suuragelin doontaa in aanay dhallinyaradeenu noqon shaqo doon balse kuwa shaqo abuura”
Geesta kale Madaxweynaha JSL, waxa uu sheegay in xukuumadu hirgelineyso barnaamij maalgelin loogu sameynayo dhallinyarada hal abuurka ah, waxaanu ganacsatada iyo baananka ka codsaday inay kaalin weyn ka qaataan.
Waxaanu yidhi.“Xukuumad ahaan waxa aanu hirgelin doona barnaamij maalgelin loogu sameynayo dhallinyarada hal abuurka la timaada, ganacsatada iyo bangiyadana waxaanu ka codsaneynaa inay kaalin mug weyn ka qaataan arrintan.
Sidoo kale waxaanu kordhineynaa Miisaaniyada waxbarashada farsamada gacanta iyo tabbabarada xirfadaha gacanta ee La-xidhiidha, warshadaha, beeraha, dhismaha iyo Tiknoolojiyada,”
Gaba-gabadii madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa uu wasaaradda waxbarashada iyo daneeyayaasha farsamada gacanta kula dardaarmay inay tixgelin gaara siiyaan dadyowga La-hayb-sooco iyo bulshada baahiyaha gaarka ah qabta.
Waxaanu yidhi.“Wasaaradda waxbarashada iyo guud ahaanba daneeyayaasha caalamiga ah waxaan kula dardaarmeyna in la abuuro, qorshaha hirgelinta koboca farsamada gacanta iyo xirfadaha shaqada iyada oo tixgelin la siinayo haweenka, bulshada la hayb sooco iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Shirkani filasho weyn ayaa laga filaya, isla markaana ay ka soo baxaan qorsheyaal iyo tallooyin cadcad oo arrimahaasi aynu soo sheegney wax lagaga qabanayo haddii ILLAAHEY yidhaahdo,”