Addis Ababa (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb gashay shirweyne muhiim ah oo ka socda magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyada oo lagu martiqaaday meqaam dowladeed.
Shirka ka socda Addis Ababa, oo ah shirka dhalinyarada ee Afrika, ayaa lagu casuumay Somaliland, iyada oo calamada dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya si garba siman ah loo dhigay goobta uu shirka ka socdo, halkaas oo ay yaallaan calamada dalalka Afrika ee ka qayb galaya shirka.
Sawirrada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale si weyn u qabsaday internet-ka, taas oo sii xoojisay hadal-heynta ka dhalatay maqaamka sare ee loo sameeyay Somaliland.
Talaabada martiqaadka Jamhuuriyadda Somaliland ee shirweynaha caalamiga ah ayaa noqonaya markii labaad, iyada oo dhowaan sidoo kale Imaaraadka Carabta uu dal ugu yeedhay Somaliland shirweyne ka dhacay magaalada Abu Dhabi, oo Madaxweynaha JSL Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo wefdi uu hogaaminayo ay ka qeybgaleen.
Dalka Imaaraadka Carabta oo wakhtigaa ku casuumay Madaxweynaha Somaliland Shirka Dowladaha Adduunka ee Abu Dhabi ka dhacay, iyada oo la siiyay darajada madaxweyne dal, waxaa xigtay in wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka ee WAM ay Madaxweynaha Cirro ugu yeedhay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”
Martiqaadka Dhalinyarada Somaliland shirweynaha Addis Ababa ayaa imaneysa xilli Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu khamiistii soo gaadhay Muqdisho si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada dib u heshiisiinta ee labada dal.