Ceerigaabo (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa qaramaysay wajigii labaad ee ciidamada Madaniga ah ee ku sugan magaalada Ceerigaabo, kaas oo la bilaabay qaramayntooda wajiga koowaad waxaana la wareegay taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Munaasibada qaramaynta ciidamada madaniga ah oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxwayne ku xiegeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti wasiiro iyo madaxda dhaqanka Somaliland isugu jira ayaa lagu wareejiyay guutooyinkii u horeeyay ee ciidanka Madaniga ah kaasi oo ay ka soo shaqeeyeen qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo muddooyinkii u danbeeyay hawshaasi Ceerigaabo u joogay.
Qaramaynta ciidamada madaniga ah waxay xoojinaysaa adkaynta amniga iyo dawladnimada, taasi oo ka dhigaysa in dalku uu leeyahay hal ciidan oo ay dawladu maamusho, sidoo kale kor u qaadaysa tirada iyo tayada ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Ciidanka madaniga ayaa waxa ay sidoo kale noqon doonaan ciidan dhankooda ka adkeeyay amniga dalka iyo xasiloodida bulshada, kaasi oo tiir adag u noqon doona dowladda iyo bulshada ku nool Sanaag iyo Sool, waana qorshe loo baahan yahay in ciidanka madanigu ay soo dhaweeyaan isla markaasina si wayn uga qayb qaataan.
Gebo’gabadii qorshaha ciidanka qaramaynta ciidamada madaniga ah ayaa waxa uu kor u qaadi doonta hamiga iyo hiigsiga Qarannimada JSL, ee difaaca dalka, dadka iyo diinta, waxaanay noqon doonaa ciidan ay dalka iyo dadka Somaliland ba ku faanaan oo cudud u noqda sidoo, kale waxa ay meesha ka saari doonaan dacaayada raqiiska ah ee ay fidinayaan dadka cadawga ku ah jiritaan Qaranimada Somaliland kuwaasi oo in ah gobolada qaar wax ka jira ciidamo aan dawladu maamulin iyo waxyaabaha la mid ka ah, waxaanay hiil u noqon doonaa ciidanka Qaranka ee udub dhexaadka u ah dawladnimada Somaliland.