Wasaaradda Caafimaadka JLS oo Qabatay Shirka Dib-u-eegista Siyaasadda Daawooyinka Dalka

0
235

Hargaysa (Dawan) Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Samsam Maxamed Saalax ayaa guddoomisay shirka dib-u-eegista siyaasadda daawooyinka dalka, kaasi oo muhiim u ah caafimaadka dalka.

Shirka dib u eegista siyaasadda dawooyinka ee Somaliland, xeerarkooda, iyo nidaamka ruqsad-siinta shirkadaha jumlada dawooyinka keena.

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen, xubo ka mid ah agaasime waaxeedyadda kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, iyo la-taliyayaasha Wasaaraddu, ayaa intii uu socday, waxaa si qoto-dheer looga dooday horumarinta habraacyada sharciyeynta, hubinta badqabka iyo tayada dawooyinka, iyo xal u helidda caqabadaha ka jira dhanka dawooyinka.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa muhiimad gaar ah la siiyay dhammaystirka Xeerka Dawooyinka ee Somaliland si loo helo xeer dhamaystiran oo hagaya ka ganacsiga iyo soo dejinta dawada la keeno dalkeenna.