Waxay u ahayd dhammaadkii todobaadkii hore buugaagta taariikhda ah ayuu geli doonaa. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo si cadho leh ugu weeraray Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky Aqalka Cad, kulan dhex maray labada madaxweyne waxa ka dhashay 40 daqiiqo oo hadalo kulul laysku weydaarsanayey warbaahinta horteeda. Kulanka dhammaadkiisii waxa uu noqday bandhigga midnimada Yurub. Zelensky markii uu ka tegay Washington waxa uu tegay London, waxaana loogu muujiyey taageero ka duwan tii uu kala kulmay Washington. Midowga Yurub waxay wacad ku mareen in ay ka fogaan doonaan wada xaajoodka dagaalka Ruushka iyo Ukraine ee Maraykanku wado.
Waxaynu soo qaadan karaa shan qodob oo muhiim ah oo laga soo qaatay kulankaa laysku qarxay, sida dadweynuhu arkaan, sida ay u soo baxday kala taga xidhiidhka Washington ay la leedahay qaar ka mid ah xulafadeeda ugu xooggan:
1- Zelensky-Trump in ay isku dhaceen
Muuqaallada aan horay loo arag ee ka dhacay Xafiiska madaxweynaha Maraykanka ee loo yaqaano Oval office, Jimcihii ayaa ka argagaxay geliyey xulafada reer galbeedka, waxa muuqday toddobaadyo isbeddello aasaasi ah oo ku yimid xidhiidhka NATO, isbeddeladaas oo uu la yimi hoggaaminka maamulka cusub ee Aqalka Cad oo ku socda ajandihiisa “America First”.
Isbeddelladaas ayaa markii ugu horreysay soo shaac baxay markii Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth uu bishii hore diiday in Kyiv ku biirto NATO ay tahay mid aan macquul ahayn – isla markaana uu meel iska dhigay siyaasaddii isbaheysigii la jiray Ukraine, isla markaana uu Ruushka gacan geliyay tanaasul weyn – wuxuuna sheegay Maraykanka aanu mar dambe mudnaanta siin doonin amniga Yurub iyo Ukraine.
Madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa khudbad aad u xiiso badan oo uu ka jeediyay Shirkii hoggaamiyeyaasha Yurub ee Munich, ku sheegay in aanay niyad u hayn Yurub, isla markaana khatarta ugu weyn ee ay la kulmaan wakhtigan ay tahay gudaha Maraykanka, halkii ay ka ahaan lahayd Shiinaha iyo Ruushka.
Trump ayaa horey ugu eedeeyay Ukraine in ay bilowday isku dhaca wuxuuna ku tilmaamay Zelensky “kaligii taliye.” Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance, ayaa Zelensky ku tilmaamay mid aan ixtiraamin lahayn, isla markaana waxa uu eedeeyay in aanu ka mahadcelin taageeradii militariga Maraykanka.
2- Yurub oo taageero u muujisay
Wadamada reer galbeedka ayaa si degdeg ah u muujiyay taageerada joogtada ah ee ay u hayaan Zelensky iyo dalkiisa dagaaladu aafeeyeen.
Sabtidii Zelensky wuxuu yimid London, halkaas oo Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer uu ku duubay kaamirooyinka TV-ga hortooda. Soo dhawayntaas diirran waxaana sidoo kale ku xigay kulanka Boqorka King Charles ee Sandringham House.
Waxa London ka socday shir madaxeed muhiim ahaa oo ay lahaayeen hogaamiyayaasha Yurub waxa halkaa ka soo baxday midnimada Yurub iyo isbahaysiga Ukraine ay si buuxda u soo bandhigeen, iyaga oo isku dayay inay abuuraan waddo loo maro xabbad-joojin iyo kor u qaadida taageerada milatari ee joogtada ah ee Kyiv.
Ra’iisal wasaare Starmer ayaa ka sheegay shir madaxeedka in reer galbeedku ay hada marayaan waddo isgoys ah oo taariikhi ah, “tani uma baahna hadal badan, waa waqtigii wax la qaban lahaa.”
Madaxa NATO Mark Rutte ayaa sheegay in dalal badan ay isku raaceen in ay sare u qaadaan kharashka difaaca, madaxa guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay inay muhiim u tahay Yurub inay is hubeeyaan ayna soo bandhigi doonaan qorshe arrimaha ku saabsan toddobaadkan.
3-Qorshe dar-dar leh oo lagu joojinayo dagaalka
Intii uu socday kulanka, Faransiiska iyo Britain waxay soo jeediyeen heshiis nabadeed oo beddelka ah ee Ukraine kaas oo ku lug leh xabbad-joojin xaddidan oo muddo bil ah, ayuu madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron u sheegay wargeyska Le Figaro.
Dalalku waxay geli doonaan isbahaysi ku imanay rabitaanka si ay u difaacaan heshiiska oo ay u dammaanad qaadaan nabadda, Starmer wuxuu sheegay in waddankiisu uu ku taageeri doonaa “ciidamo dhulka ah iyo diyaaradaha hawada.”
Waxa uu sheegay inuu Qorshe nabadeed kasta oo suurtagal ah ay ka qayb gelin doonaan Ruushka, laakiin Ruushku aanu xukumi doonin shuruudaha dammaanad kasta oo amni, ayuu raaciyay Starmer. Zelensky ma aanu sheegin in uu ku raacsan yahay hindisaha iyo in kale, laakiin Ruushku hore ayuu u sheegay in aanay aqbali doonin in ciidamada Yurub ay noqdaan nabad ilaalin.
Waxaana la arki doonaa in hindisahan uu lug ku leeyahay Aqalka Cad, kaas oo wada-hadallo nabadeed oo toos ah kula jiray Moscow oo aan hadda ku jirin Ukraine ama Yurub.
4-Taageerada Maraykanka weli loo baahan yahay
Waxa kulankaas ka caddeeyey in taageerada Maraykanku ay weli muhiim u tahay dadaallada nabadda ee Ukraine. Starmer wuxuu ku celiyay qorshe kasta inuu u baahan doono “taageerada Maraykanka oo xooggan.”
Tan iyo booqashadiisii foosha xumayd ee Washington, Zelensky wuxuu si isdaba joog ah u muujiyay mahadnaqa taageerada milatari ee Maraykanka iyo Yurub labadaba. “Ma jirto maalin aannaan dareemin mahad-celintan,” ayuu ku yidhi khudbaddiisii habeenimo ee habeenimadii Axaddii.
Zelensky ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu saxeexo heshiiska macdanta naadirka ah ee Maraykanku ka doonayo Ukraine, wuxuuna ku tilmaamay Maaykanka “saaxiibka istiraatijiyadeed”, isaga oo sheegay in aany faa’iido u lahayn cid kale Ruushka mooyee haddii kaalmada Maraykanka ee Ukraine la joojiyo.
5- Putin oo guul helay
Putin ayaa si dhow ula socday wixii ka dhacay xafiiska Oval warbaahinta dowladda Ruushka iyo mas’uuliyiinteeduna si farxad leh ayey u qaabileen.
Moscow waxay hadda riixaysaa xidhiidhka Maraykanka iyo Ruushka, haddana waxaa jira hadal hayn ku saabsan shir madaxeedka Trump iyo Putin oo si degdeg ah isha loogu hayo.
Wareegii koowaad ee wada hadalo aan caadi ahayn oo u dhexeeya Ruushka iyo Maraykanka ayaa bishii hore ka dhacay dalka Sacuudiga, iyada oo la dhinac maray Ukraine.
Xiisaddii Jimcihii ayaa dhalisay eedeymo dhowr ah oo ku saabsan in Maraykanka uu la safan yahay Ruushka kana fogaanayo xulafadiisa. Senator Chris Murphy oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa yidhi “Aqal Cad wuxuu noqday cudud Kremlin.”