Ramadaanta Iyo Cabista Biyaha Badan!

0
30

Cilmi baadhis la sameeyay, ayaa cadaysay in madax xanuunka dadka qaarkood ku dhaca maalimaha bisha Barakaysan ee Ramadaan ay tahay iyada maadada “Caffeine” oo jidhka qofku la qabsaday oo uu waayayo ka dib marka uu joojiyo cuntada iyo cabitaanadii maadadni laga helayay. Waxa kale oo jidhka dareemaya qalayl sonkorta ku yaraatay awgeed.

Wargeyska ka soo baxa Sacuudiga ayaa soo bandhigay in tallaaboyinka lagaga hor tegi karo madax wareerkaasi ay tahay : iyadoo qofku uu cabbo biyo badan wakhtiga suxuurta, shaahana uu si tartiib ah isaga yareeyo.  Waxa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay inuu hurddo ku filan uu qaato qofku iyo in suxuurto oo cabo biyo ku filan. cabista biyaha badani waxay jidhka ka ilaaliyaan qalaylka ku keenaya madax wareerka.