Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Maanta bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa ay maraysaa shan maalmood, waxaana hadhsan shan iyo labaatan casho, taasi oo loo baahan yahay in qof kastaa ka faa’iidasyto nimcada iyo Qaniimada Bishan Ramadaan.
Warbixinteenan waxa aynu ku soo gudbinaynaa maanta waxyaabo ay tahay in qofka Sooman uu ogaado siu u u ilaashado Soonkiisa, taasi oo qofka ka caawinaysa kor-u-qaadsita cibaadadiisa iyo ogaanshiyaha waxyaabaha manface u leh Soonka iyo qofka Sooman labadaba.
Waxa aynu ku horayn doonaa waxyaabaha aan qofka soonka ka jabin haddii uu sameeyo, taasi oo ah in aad ogaato si aad u samayso haddii aad u baahato, waxaana ka mid ah dhiig qof loo shubo, kaasi oo aad ku caawin karto adiga oo Sooman walaalkaa oo u baahan.
Sidoo kale waxa ka mid ah waxyaabaha aan kaa jabinyan Soonka in aan maydhato, Cadayato, Candhuuf tufto, cunida iyo cabida aan loo qasdiyin, jinaabo kaa timaada adiga oo Duhur hurda.
Sidoo kale waxa loo baahan yahay in qofka Sooman uu ogaado waxyaabaha Soonka ka jabiyanaya isl markaan ay tahay inuu iska ilaaliyo waxaan ka mid ah u qasdinta cunida iyo cabitaanka, jimaaca maalintii, mataga si khasab ah la isaga keeno, ibrad nafaqo leh oo la qaato, shahwada oo la iska keeno, Caadada iyo Xaydka Dumarka.
Wax kale oo loo baahan yahay qofka Sooman inuu ogaado waxyaabaha Soonka naaqusa, isla markaan ay tahay inuu ka fogaado si aanay Soonkiisa u naaqusin waxaan ka mid ah xanta, cayda, isku dirka xiliga Ramadaanta, Beenta, indhaha oo meel xun lagu eego, dhagaha oo xumaan lagu dhagaysto, Khamaarka oo la ciyaaro, Dagaalka.
Sidoo kale Waxyaabaha sare u qaada ajarka soonka waxaa ka mid ah Qur’aan akhriska badan, Salaadaha sida taraawiixda & taajudka, Wanaagga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo, Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya, Indhaha oo la laabo, Carrabka oo la xakameeyo, Masaajidka oo la cammiro, Farjiga oo la dhowro
Gebo’gabadii waxa aynu halkan ku sheegi doonaa Jadwal aad fiican oo aad raaci kartid Bisha Ramadanka, kuna anfici doona si aad Qur’aanka u dhamayso ama u khatimto.
Habkan ayaa ah mid aad Qur’aanka ku dhamayn kartid 30-ka jus 30malmood kaasi oo ah in aad Salaada subax kadib 4 bog, Salaada duhur kadib 4 bog, Salaada casar kadib 4 bog, Salaada, maqrib kadib 4 bog , Salaada cishe kadib 4 bog.