Somallando oo Jawaab Adag ba Bixisay Hadal ka soo Yeeshay Maamulka Garoowe

0
266

Hargeysa(Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo dagaalka gudihiisa ka socda ee u dhexeeya kooxda daacidh kula  soo galgashay Somaliland.

 

Wa-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland oo lagaga jawaabay hadalka ka soo yeedhay Maamulka Garoowe,ayaa u dhignaa sidan.

“𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐰𝐚𝐚 𝐝𝐚𝐥 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐞𝐥𝐲𝐚𝐝𝐝𝐮 𝐚𝐲  𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲  𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐚𝐲  𝐤𝐮 soo 𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨-𝐦𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲. 𝐒𝐢𝐝𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞, 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐢 𝐮 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐛𝐨𝐠𝐜𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐱𝐚𝐬𝐢𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 #𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚, 𝐝𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐚𝐫𝐤𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚 𝐣𝐞𝐜𝐞𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐧𝐚𝐚𝐥𝐥𝐨𝐨𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐞𝐥𝐲𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐬𝐢𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢.

 

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay taariikh  dheer u leedahay la dagaallanka  argagixisada iyo budhcad baddeeda oo  ay ka fogaysay dalkeeda, juhdigii ay ka samaysay ka hortagga argagixisaduna wuxuu  noqday mid deyr u ah  mandaqada oo dhan.

 

Qoddobka 10aad fiqradiisa  7-aad  ee dastuurka JSL waxa uu  jidaynayaa: “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxisnimada ujeeddo kasta ha lahaadeene.” Somaliland waa dalka keliya ee mandaqada ku yaalla ee dastuurkiisu waajibayay la dagaallanka argagixisada.

 

Sidaas awgeed, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland  waxa mar walba  ka go’an la dagaallanka argagixisada, waxaanay  iskaashi wax ku-ool ah kala leedahay arrintaas dalalka jaarka ah.

 

Ugu dambayn, waxa wax lala yaabo ah eedaha  deel-qaafka iyo cuqdada ah  ee ay ka muuqato nafla-caarinimada la qarsan waayay  oo  maalmihii la soo dhaafay ka soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee #Soomaaliya, kuwaasi oo ku eedaynayay Somaliland wax aanay dhaqan u lahayn, kana suurtogeli karin oo aan ku sifayn karno “Hadal meel waayay”.