Xildhibaan Meecaad oo kormeeray mashaariic lagu dayactirayo madaarka Ceerigaabo

0
21

 

Ceerigaabo (Dawan):- Xildhibaan Cabdikariin Meecaad, oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa kormeer ku tegay garoonka diyaaradaha ee Ceerigaabo, halkaas oo uu ka socdo dayactir ballaadhan oo lagu tayaynayo dhabbaha ay diyaaraduhu ka haadaan (runway) ee madaarka Ceerigaabo.

 

Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo hagaajin lahaa adeegyada garoonka iyo  si loo dardargeliyo safarada diyaaradaha.

 

Xildhibaan Meecaad oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay in dayactirka uu ka wado garoonkaasi, loo baahan yahay si loo hubiyo tayada madaarka Ceerigaabo iyo in uu la jaanqaadi karo baahiyaha socdaalka iyo ganacsiga ee gobolka ka jira.

 

Waxaa lagu wadaa in dayactirka loo dhammeeyo si degdeg ah, si loo xoojiyo isku xidhka Ceerigaabo iyo magaalooyinka kale ee dalka. Ayuu ku sheegay hadalkiisa

 

Kormeerkan waxa xildhibaanka ku weheliyey maamulaha madaarka ceerigaabo iyo mamuulaha shirkadda diyaradaha ee dalmar airline.

 

Xildhibaan Meecaad oo kasoo jeeda gobolka Sanaag, ayaa mashaariic wax ku ool ka fuliyey deegaanka laga soo doortay, isagoo hore uga qeybqaatay mashruuc balaadhan oo lagu dhisay jidka taga madaarka ee ku isku xidha magaalada ceerigaabo iyo garoonka diyaaradaha taas oo shirkad dhisme oo xildhibaanku aasaase ka yahay ay halkaasi ka fulisay dhiska.