Hargaysa (Dawan) Dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska ayaa ka wada hadlay arrimaha ammaanka Badd Cas iyo illaalada Xeebaha jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxa xafiiska ciidamada ee safaaradda Ingriiska ee Nairobi (Defence attaché) Captain Capt. James Edwards iyo wefti uu hoggaaminayo oo scodaal shaqo ku yimi Somaliland,ayaa kulan muhiim ah la qaatay taliyaha ciidanka illaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hure Haarriye oo weftiga Ingiriiska ku qaabilay taliska guud ee ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland ayay ka wada hadleen labada dhinac iskaashiga labada dawladood ee ammaanka Badda cas iyo tababarada ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland oo ay wada shaqayn dhaw ka leeyihiin dawladaha Somaliland iyo Ingiriisku.
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyay kulan dhex maray labada dhinac, kaas oo wax wayn ka taraya kor-u-qaadista Tayada iyo tababarada ciidanka Illaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu u dhignaa sida tan:-
Qoraalka ka soo badxay taliska ciidanka Illaalada xeebaha Somaliland oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay wargeyska Dawan,ayaa u dhignaa sidan.“Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Admiral Axmed Hure Haarriye ayaa kulan la qaatay Madaxa xafiiska ciidamada ee safaaradda Ingriiska ee Nairobi (Defence attaché) Captain Capt. James Edwards iyo sidoo kale madaxa xafiiska ee dawlada Ingriiska ee Hargaysa Mrs Cammilla.
Kulanka ayaa lagaga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen wadashaqaynta ciidanka Illaalada xeebaha Somaliland iyo ciidamada Royal Navy Ingriiska, gaar ahaana dhinaca tababarada iyo kor-u-qaadista xirfadaha ciidamada illaalada xeebaha ee Somaliland. Masuuliyiinta ka socday dawladda Ingriiska ayaa dhankooda ballanqaaday inay gacan buuxda ka siin-doonaan ciidanka Illaalada Xeebaha tababarada iyo xoojinta aqoonta ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland.
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Hure Haarriye ayaa uga mahadnaqay socdaalkooda ay ku yimaadeen Somaliland, sidoo kalena ballanqaaday inay dawlad ahaan iyo Ciidan ahaanba soo dhawanayaan wadashaqaynta”.