Waxa ay ahayd madal si heersare ah loo agaasimay, si ka duwan sannadihii hore. Waa maxfal khayrku maasheeyay oo dullucda laga leeyahay tahay in la dhiirigeliyo oo kor loo qaado barashada qowlka Eebe iyo diinta islaamka.
Waa xaflad lagu foolladeynayay da’yar xambaarsan Qur’aanka kariimka ah, kuwaasi oo ka soo dhex mudhay is reebreeb adag oo saddexdii bilood ee u dambeeyay loogu tartamayey tartanka quraanka ee sannad kasta uu qabto madaxweynaha Somaliland.
Kulankan waxa ku sidkanaa shir madaxweynuhu uu la yeesho sanadkiiba mar culimada dalka, kaasi oo lagu martiqaaday ilaa 400 oo qof oo isugu jira Culimo aw diin iyo haldoorka bulshada.
Maxaa ku cusbaa Tartanka qur’aanka ee 2025
Tartankan waxa ku cusbaa oo xukuumadda ” *Waxqabad iyo wadajir” oo gudanaysa waajibka ka saaran kor u qaadista diinta islaamka ay tartanka ku soo kordhisay inay habluhu ka qaybgalaan sannadkan,taasoo narruuro gelisàay hablaha xafiday qur’aanka oo ka faa’iidaystay fursadan qaaliga ah. Habluhu waxa tartanka ay ku soo bandhigeen dedaal culimadii hoggaaminaysay tartanku ay ku diirsadeen juhdigooda oo aan ka laallaadin wiilasha.
Abaalmarinno noocee ah ayaa la bixiyay
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu kor u qaaday abaalmarinta tartankan, Wuxuuna si weyn u muuneeyay tartamayaashii kaalmaha hore galay.
Madaxweynuhu wuxuu da’yarta xufaada ah ugu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada si meeqaamkeedu sareeyo, waxaannu u muujiyay sida ay ugu sharfan yihiin if iyo aakhiraba tacabka ay geliyeen qowlka Eebe.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ardaygii kaalinta koowaad u galay tartankii qur’aanka ee Wiilasha uu midigta ka saaray furaha gaadhi “HARRIER” ah oo qiimihiisa lagu qadaray 13 kun oo doolar.
Inantii ku guulaysatay kaalinta koowaad ee hablahana wuxuu gudoon siiyay 145 giraam oo dahab ah oo qiimaheedu yahay 13 kun oo doolar.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu hadyado qaali ah guddoonsiiyay 8 arday oo iskugu jira wiilal iyo hablo. Iyadoo ardaydii gashay kaalinta afraadna ay qaateen min 2 kun oo doolar.
Isagoo ku faraxsan tartanka qur’aanka kariimka iyo barashada diinta, waxa madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ballan-qaaday in xukuumadiisu weynaynayso barashada diinta.
Madaxweynuhu wuxuu ammaanay doorka culimada iyo macalimiinta qur’aanka oo uu ku majeertay midho-dhalka tacabkooda oo waxtar u leh bulshada iyo dalka.
Abaalmarintan iyo ahmiyadda madaxweynuhu siinayo kaalin gelinta diinteena suuban, waxa ay ka turjumaysaa sida Qaranka iyo ummadda reer Somaliland xoogga u saareen guubaabinta barashada diinta iyo qiyamka toosan ee umadda.
W/Q: Cumar Maxamed Faarax