Qurba-joogtu Dalkeena Kaalin Muhiim ah ayay ugu Jiraan,” Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

0
22

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta jamhuuriyadda Somaliland Cabdisalaan Maxamud Ducaale (Ilkacase) oo ka qayb galay kulan hawleed ay wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland furtay, oo  lagu aasaasayo guddi-hawleedka heer qaran ee arrimaha qurba-joogta.

Agaasimaha wasaaradda warfaafinta ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay kulankaas guddi hawleedka Qurba-joogta, waxaanu ka sheekeeyay wakhtigii la soo kordhiyay waaxdan Qurba-joogta iyo sida ay mudnaanta u leedahay waxaanu sheegay

“ Aniga oo metelaya wasaaraddii warfaafinta waan ku faraxsanahay inaan goob joog ka noqdo unuggan loo samaynayo qurbajoogga, koley waaxdan Quba-joogt waxaa la soo kordhiyay markii dawladii madaxwayne Siilaanyo 2010-kii, markaa waxa laga dhigay Hay’ad madax banaan, markii danbe waxa lagu soo celiyay wasaaradda oo ah halkii ay lahayd in shaqooyinka aan dalku inaga baahin oo la kobo, maadaama kharashkeena iyo haynteenu yar tahay.

Dhinaca kale Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka xog waramay kaalinta muuqata ee ay Qurba-joogtu ugu jiraan dalka iyo sida naf hurnimada leh ee ay uga soo qayb qaateen dib-u-dhiskii dalka waxaanu trilmaamay

“ Waa wanaag, kulankan Qurba-jooga oo dalkeena kaalin muhiim ah ugu jira sida kaalintii dib-u-dhiska, anigu dadkii ku koray baan ahaa wakhtigii ay dadkeenu Qurbaha tageen, dhaqaalihii iyo doorkii ay ku lahaayeen si fiican baan u garanayaa iyo dakhligii ay dalka soo galin jireen.

Sidoo kale waxa ay ka qayb qaateen dib-u-dhiskii dalka, waxaay dalka ku soo kordjiyeen wax mudan oo la taaban karo, waa xubin inoo muhiim ah, in daacad laga noqodo shirarkooda loo dhaga nuglaado oo la soo dhaweeyo ayaan boorinayaa”.