Qore. Daahir cabdi ciise
(Daahir camey)
Tan iyo intii uu xilka la wareegay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, xukuumaddiisu waxay qaaday tallaabooyin waaweyn oo dhabbaha u xaadhaya horumar ballaadhan. Inkasta oo 90 maalmood ay tahay waqti kooban, haddana waxa la xaqiijiyay horumarro muhiim ah oo wax weyn ka beddelay qorshayaashii dawladdu ku ololeynaysay.
Hawlgalladaasi waxay ahaayeen kuwo lagu hagaajinayo adeegyada bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo dib u habeynta maamulka dawladda. Waxa xusid mudan in tallaabooyinkani ay yihiin kuwo xukuumaddu ka go’an tahay, loogana dan leeyahay in la gaadho isbeddel muuqda oo la taaban karo.
Toban ka mid ah arrimaha la fuliyay ee guusha weyn laga gaadhay waxay kala yihiin:
- Dhismaha Wadada Baligubadle
Mid ka mid ah mashruucyada ugu muhiimsan ee xukuumadda Madaxweyne Cirro ay bilowday waa dhismaha wadada Baligubadle, taasoo muhiim u ah isku xidhka caasimadda Hargeysa iyo gobollada koonfureed.
Wadadan oo muddo badan ay shacabku sugayeen, ayaa hadda si rasmi ah dhismihiisa loo bilaabay, waxaana la filayaa in ay fududayso isu-socodka ganacsiga, adeegyada dawladda, iyo isku xidhka bulshada ku nool deegaannadaasi. Tani waxay muujinaysaa sida ay xukuumaddu u danaynayso kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha.
- Dhismaha Wadada Baki
Sidoo kale, xukuumaddu waxay bilowday dhismaha wadada Baki, taas oo ah mid muhiim u ah isku xidhka gobollada galbeedka Somaliland, gaar ahaan Awdal iyo Selel. Wadadan waxay muhiim u tahay dadka deegaanka si ay u helaan fursado ganacsi, adeegyo caafimaad, iyo isku xidh bulsho.
Hirgelinta mashruucan ayaa muujinaysa sida xukuumaddu u danaynayso in dalka laga saaro caqabadaha kaabayaasha, iyadoo diiradda la saarayo mashaariic wax ka beddeli kara nolosha bulshada.
- Qaramaynta Ciidanka Madaniga
Ciidanka madaniga ah wuxuu asal ahaan ka soo ifbaxay xaalad adag oo uu dalku soo maray. Markii dagaalladii ka dhacay gobollada bariga Somaliland ay abuureen xaalad amni-darro, shacabka oo ay hormuud u yihiin wax garaadka’
Aqoonyahannada, iyo ganacsatada ayaa xil iska saaray in ay abaabulaan ciidamo difaacaaya shacabkooda iyo dhulkooda.
Ciidamadan oo markaas loo abuuray duruufaha amni, waxay si hagar la’aan ah ugu adeegayeen dalka iyaga oo difaacaya nabadda iyo xasiloonida qaranka.
Hirgelinta Ballanqaadka
Madaxweyne Cirro wuxuu doorashadiisii ballanqaaday in ciidanka madaniga ah la qaramayn doono, si ay si buuxda uga mid noqdaan ciidamada qaranka, u helaan xuquuqdooda ciidanimo, iyo in la siiyo dhammaan faa’iidooyinka ay helaan ciidamada kale ee qaranka.
Xukuumaddiisu waxay bilowday nidaamka qaramaynta, taasoo ka dhigan in ciidamadan loo aqoonsaday qayb ka mid ah ciidamada Somaliland. Taasi waxay si rasmi ah u siinaysaa:
A.Xaqa mushahar joogto ah iyo gunnooyinka ciidamada qaranka.
Darajo rasmi ah oo ciidanimo.
B.Tababaro rasmi ah oo kor loogu qaadayo xirfaddooda ciidanimo.
C..Xaq u lahaanshaha xuquuqaha la siiyo ciidamada qaranka.
In ay si rasmi ah uga mid noqdaan hay’adaha amniga ee dalka iyo
Xukuumaddu waxay sidoo kale diyaarisay qorshayaal lagu horumarinayo xirfadaha ciidankan,
- Kordhinta Mushaharka Ciidamada Qaranka
Madaxweyne Cirro wuxuu tallaabo taariikhi ah u qaaday dhanka kordhinta mushaharka ciidamada qaranka, kuwaas oo ah lafdhabarka amniga dalka.
Ciidamadu waa difaaca qaranka, waxaana lama huraan ah in mushaharkooda iyo noloshooda la horumariyo. Xukuumaddu waxay xoogga saartay sidii ay u horumarin lahayd nolosha ciidamada, taasoo dhiirigelinaysa dadaalkooda iyo u heellanaanta ay u hayaan difaaca dalka.
- Tiro-koobka Ciidanka Qaranka
Hirgelinta tiro-koob rasmi ah oo ciidanka qaranka ah ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu hubinayo nidaamka ciidamada oo casri ah.
Tani waxay suurta-gelinaysaa in la sameeyo qorshe sax ah oo lagu kobcinayo awoodda difaaca qaranka, iyadoo la hubinayo tirada ciidamada, baahiyahooda, iyo horumarinta hab-maamuuskooda shaqo.
- Gogosha Nabadeed ee Ceerigaabo
Madaxweyne Cirro wuxuu dadaal weyn geliyay gogosha nabadeed ee Ceerigaabo, khilaafaad u dhexeeyay beelaha deegaankaas.
Nabaddu waa tiirka ugu weyn ee horumarka dalka, waxaana xukuumaddu ka shaqaynaysaa sidii khilaafaadka jira loo dhamayn lahaa, loona heli lahaa xal waara. Shirarka nabadeed ee Ceerigaabo waxay muujiyeen sida xukuumaddu uga go’an tahay xoojinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
- Guushii Safarkii Imaaraadka Carabta
Mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee la gaadhay 90-kii maalmood ee la soo dhaafay waa safarkii Imaaraadka Carabta, kaas oo xukuumaddu ku gaadhay heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka.
Heshiisyadani waxay isugu jiraan dhinacyada maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga ganacsi ee labada dal. Waa tallaabo wax ku ool ah oo horseedi karta fursado hor leh oo ay Somaliland ka faa’iidaysan doonto.
- Midnimada iyo Wadajirka Shacabka
Madaxweynaha Somaliland wuxuu si weyn uga shaqeeyay xoojinta midnimada iyo wadajirka shacabka, taasoo ka tarjumaysa yoolka xukuumaddiisa ee ah in shacabka la midayo.
Wuxuu hoggaamiyuhu ku booriyay bulshada in ay ka shaqeeyaan horumarka, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keenaya kala qaybsanaan bulsho. Tani waxay keentay in shacabka ay dareemaan in hoggaankoodu yahay mid ay ku mideysan yihiin.
9.shaqaalihi la qoray xiligii kale guurka oo shaqaalaha oo ku qornaa Temporary (ku-meel-gaar ah) Ay laga dhiga shaqaalle Permanent (joogto ah )
taasoo sare u qaadaysa fursadaha shaqo ee bulshada. Shaqaalahan cusub waxay ka shaqeyn doonaan waaxyaha kala duwan ee dowladda, iyagoo gacan ka geysanaya horumarinta adeegyada dadweynaha. Tallaabadan waxay xoojinaysaa isku haynta bulshada maadaama ay abuurayso fursado shaqo, kobciso dhaqaalaha qoysaska, isla markaana sare u qaaddo kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha dowladda.
- Talo Wadaagga iyo La-tashiga Madaxweynayaashii Hore
Si loo helo xukuumad hufan oo waayo-aragnimo leh, Madaxweyne Cirro wuxuu la tashi ballaadhan la yeeshay madaxweynayaashii hore ee Somaliland, si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka u ah dalka.
Tani waxay muujinaysaa in xukuumaddu ay ka faa’iidaysanayso khibradda hoggaamiyayaashii hore, loona diyaar garoobayo in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarka Somaliland.
Gunaanad
Muddada kooban ee uu xilka hayay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa ay noqotay mid lagu xasuusan doono dardar horumarineed oo muuqata. Xukuumaddiisu waxay ka go’an tahay in la xaqiijiyo ballamihii ay la gashay shacabka, loona dhabbo galiyo isbeddelka ay bulshada Somaliland filaysay.
Toban qodob ee kor ku xusan waa bilow wanaagsan oo muujinaya in hoggaanka cusub ee dalka uu si dhab ah u wajahay wax ka qabashada baahiyaha shacabka, isla markaana uu xooga saarayo horumarka qaranka.
Waxaa la filayaa in xukuumaddu sii ambaqaado dadaalladan si ay Somaliland uga mid noqoto dalalka horumarka gaadhay.
Daahir Cabdi Ciise
(Daahir camey)
Daahircamey@gmail.com.