Qore C/wahaab Daahir Xasan.
Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyo shirkadaha Somaliland ee ka shaqeeya adeegga Isgaadhsiinta ayaa yeeshay kulan hordhac ah oo loogu gogol xaadhayo shirwaynaha Shirweynaha Somaliland Ict Conference ee Sanadkan, iyo siddii sanadkan Shirku uga duwanaan lahaa Shirarkii hore.
Shirka waxa lagu falanqeeyay qodobo muhiim ah oo la xidhiidha horumarinta Adeegyada Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada, Kuwaas oo ay ka mid yihiin:
In Shirweynaha Somaliland isgaadhsinat iyo tignoolajiyada ee Sanadkan loo diyaariyo qaab Ka duwan Sanadihii hore, si uu u noqdo madal lagu soo bandhigo hal-abuurka Tiknoolajiyada casriga ah, in Shirku diiradda saaro sidii loo horumarin lahaa Adeegyada tignooljaiyiada lana Xoojiyo wada Shaqaynta Ka dhaxaysa Shirkadaha gaarka loo leeyahay Iyo Dawladda iyo sido kale in lagu soo bandhigo Hal-abuur cusub oo Ku saabsan Fintech, “Internet For good” iyo Adeegyada Dawladda ee Dhijitaalka ah.
Gababagadii Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada ayaa Ku bogaadiyay Shirkadaha Ka soo qayb galay Shirka Sidda ay uga go’an Tahay Ka Shaqaynta Horumarka Tiknoolajiyadda Somaliland. Isla markaana Xusay in Iskaashi dhow Iyo Wada Shaqayn Joogto ah in la yeesho ay Muhiim u tahay Sidii Shirkadaha Iyo Hay’adaha Dowladda Ay Uga Faa’iidaysan Lahaayeen Hal-abuurka Casriga ah ee ay bixiso Tiknoolajiyadu.