Weedha Wargeyska Runta Aqoonsiga Somaliland ayey marin habaabinayaan

0
33

Todobaadkan waxa aad loo hadal hayaa, iyadoo laga shidaal qaadanayo xogo ay baahiyeen wakaalado wararreed oo caalami ah, waxyaabaha ay ka wada hadleen xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Maraykanka, kuwaasoo ah laba arrimood oo aad u kala fog qaddiyad ahaan, laakiinse haddana laga wada hadlin.

Qodobadan oo aad loo wadwaday maalmihii la soo dhaafay isha ugu weyn ee laga soo xigtayna ay tahay Wargeyska Financial Times, isla markaana aad moodo inay ku baraarugeen cadowga Somaliland ee mandaqadu, waxa muuqata in si khaldan oo manjaro habaabin ah loo kor mariyey qodob aad u diciif ah oo aan isla soo qaadkiisu ku koobnayn Jamhuuriyadda Somaliland oo kaliya, balse ay dalal badan ku weheliyaan, iyadoo sababta loo buunbuuniyeyna ay tahay in lagu tashuushadaynayo xogta kale ee weyn ee muhiimka ah.

Marka Maraykanku ka hadlay arrimaha uu iskaashiga kala yeelanayo Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay Siyaasaddiisu aqbalayso dib-u-aqoonsiga dalkan buuxiyey dhamaan shuruudihii uu kaga mid noqon lahaa Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, waxa ay ku marin habaabiyeen arrin kale oo ku saabsan qaabillaada qaxoontiga Falastiiniyiinta, taasoo aan gabi ahaanba khusaynin, wax dan ahna aanay ka lahayn Somaliland, dabaqaaddeeda shuruucda caalamiga ahina ka reebayaan inay ogolaato.

Haddaba labada qodob ee Wargeyska Financial Times laga soo xogtay  Ta koowaad waa in Mareykanku xidhiidh la sameeyey madaxtooyadda Somaliland, lana bilaabay wada-hadallo lagu aqoonsanayo Somaliland , taa beddelkeeda uu Mareykanka  helayo saldhig milatari oo uu ka dhisanayo meel u dhow dekedda Berbera ee gacanka cadmeed.

Waxaanay taasi ku salaysan tahay Mandaqada ay Somaliland ku taal oo ah mid istaraatiiji ah oo dano badan kaga xidhan yihiin dawladaha aduunka, hadday tahay dhinacyada amaanka iyo dhaqaalahaba, waxaanay  ku taallaa xeebta Gacanka Cadmeed, meel u dhow marin biyoodka muhiimka ah ee Bab-el-Mandeb.

Marin biyoodkan wuxuu isku xidhaa Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, wuxuuna yahay mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga aduunka. Dhinaca kale Dekedda Berbera waa xarun ganacsi oo muhiim ah. Waxay si gaar ah muhiim ah ugu tahay dalalka aan badda lahayn sida Itoobiya, taas oo u sahlayso in fudud ay suuq u hesho. Sidoo kale Somaliland waxay muhiim u tahay amniga marinka Gacanka Cadmeed, waxayna door ka ciyaari kartaa ilaalinta maraakiibta marinka maraya iyo la-dagaallanka burcad-baddeeda iyo argagixisada ku sugan mandaqada. Qiyaastii boqolkiiba 12% ganacsiga caalamiga ah ayaa mara Badda Cas, oo u dhow xeebaha Somaliland. Shidaalka aduunka ayaa mara marin biyoodka Bab-el-Mandeb, waana waddo muhiim u ah dhoofinta tamarta laga soo raro Bariga Dhexe una sii socota Yurub.

Qodobka labaad waa in Mareykanku soo jeediyay suurtogalnimada in qaxooti laga raro Maraykanka iyo Gaza loo wareejiyo Somaliland, balse tani ma aha qodobka ugu muhiimsan ee wadahadalka. Waana qodob aan Somaliland ku gaar ahayn ee Dawladdo badan lagala hadlay sida Suudaan, Masar, Jordan iyo Imaaraatkaba.

Sidaa marka ay tahay, Maraykanku Somaliland wuu aqoonsanayaa, iyada oo aan hal qof oo Falastiini ah la keenin ee yaan dheg iyo dhugasho toona la siin kuwa marin habaabinaya qaddiyaddeena, waayo? Somaliland Ilaahay ayaa bogcad muhiim ku abuuray, taas ayaana sida sheeko-wareedka lagu iftiimiyey keenaysa aqoonsigeeda, iyadoo waliba intaasi dheer tahay hanaankeeda dawladnimo, nidaamka dimuquraadiyadda ah ee ka hana qaaday iyo taaba-galnimada nabad-gelyadda dalkeena.

Sidaas awgeed, waxa kale oo muhiima inay madaxda xukuumaddu si weyn uga taxadiraan wararka iyo xoggaha ay siinayaan warbaahinta dibada, isla markaana jawaab kasta oo ay ka bixinayaan waydiimo kaga yimaada dibada ama dalabbaad siyaasaddeed oo uga yimaada dawladdo kale inay ku dabaqaan ama ku sar-gooyaan wada-tashi iyo siyaasad shiillan oo waafaqsan danaha Jamhuuriyadda Somaliland. Ha iska jireen masuuliyiintu inay bixiyaan waraysiyo ka hor imanaya dannaha qarkeena ee Ictiraaf-raadinta, waana inay xukuumaddu siyaasad cad ka yeellato arrimahaas, waayo? Cadowgu wuxuu mar walba ku fooggan yahay inuu burburiyo xidhiidhadeena dibada iyo danaheena, waxaanu raadinayaa gol-daloolooyin uu innaga soo galo.