Soonku Waa Gaashaan!

0
295

Waxaa laga weriyey Mucaad ibn Jabal (Rc), Inuu yidhi :

โ€Waxaan ku idhi Rasuulkii Allow (scw) ii sheeg camal aan Jannada ku galo, Naartana iga Fogeeya. Wuxuu yidhi Rasuulku (scw), โ€œ Waxaad iweydiisay arrin weyn, waana sahlan-yahay ninkiiย Allah u fududeeyo: โ€œAllah keligii caabud oo cid kale ha la wadaajin cibaadada, tuko salaadda, bixi sakada, soon bisha Ramadaanka, Xajka gudo, markaasuu yidhi, soo kumaan tusin albaabada khayrka: Soonku waa gaashaan, sadaqadu waxay demisaa dembiyada, sida biyuhu dabka u damiyaan, waana sidaas oo kale salaadda saqda dhexe loo kacoโ€.

( Werin: Tirmidi Xadiis Xasan ah)