Qore: Faysal Xiis
AfgaabHargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa dah furay Munaasibadda Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay Hoolka Weyn ee Ciidanka Booliska.
Munaasibadda daahfurka diiwaan gelinta casriga ah ee ciidamda kala duwan ee dalka oo ahayd munaasibad si wayn loosoo agaasimayay ayya ka qayb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,xubno ka tirsan golaha wasiirada taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada dalka iyo masuuliyiin kale.
\Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ay farxad wayn u tahay in uu ka soo qayb galo isla markaana uu daah furo diiwaangelinta casriyaynta ciidamada kala duwan ee dalka waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ciidamada dalku mundaanta koobaad u leeyihiin qaranka in si casri ah oo dhammaystiran in loo diiwaan geliyo isla markaana dib loo habeeyaana ay tahay mid ka mid ah balanqaadyadii xukuumadda Waddani ee waxqabad iyo wada jir lagu doortay.
War saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada daah furka ka dib,ayaa u dhignaa sidan
โMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa dah furay Munaasibadda Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay Hoolka Weyn ee Ciidanka Booliska.
Waxa xusid mudan in Ballan-qaadyadii ay Xukuumadda Cusub ee Wadajir iyo Waxqabad ay la gashay ummadda Somaliland ay ka mid ahaayeen Diwaangelinta, Tayaynta, Casriyeynta iyo Xaq-siinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Munaasibadda ka jeediyey hadal aad u qiimo badan waxa uu sheegay in ay isaga farxad gaar ah iyo dareen masuuliyadeed u tahay in uu ku dhawaaqo bilowga Diwaangelinta Casriga ah ee Taariikhiga ah ee Ciidamada kala duwan ee JSL (๐๐ข๐จ๐ฆ๐๐ญ๐ซ๐ข๐ ๐๐๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐๐ญ๐ข๐จ๐ง) taas oo ah tallaabada koowaad ee hirgelinta dib-u-habaynta iyo Casriyeynta dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida oo kale, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in Ciidamada kala duwan Qaranku ay yihiin Haybadda iyo Udub dhexaadka Amniga iyo Xasiloonida Qaranka JSL iyo gaashaanka ilaaliya Qarannimadeenna, Difaaca Xuduudaheenna iyo xaqiijinta bad-baadada muwaadiniinta reer Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Ciidamada Qaranku ay yihiin Hayyโad Dastuuri ah oo u igman difaaca madax bannaanida dalka, xagga Dhulka, Badda iyo Cirka iyo guud ahaanba ilaalinta danaha Qaranka JSL.
Munaasibadda Daahfurka Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Guddida Wasiirada ah iyo La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee uu Madaxweynuhu u xilsaaray Diwaangelinta iyo Casriyeynta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka.
Sida oo kale waxa iyaguna Munaasibadda ka qayb galay Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo Xubnaha Guddida Farsamo ee fulinaya Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada Qalabka sida.
ย
ย
ย