Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Cisbitaalka ku Booqday Dhaawacyadii Ciidanka Qaranka iyo Madaniga

0
104

Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha xisbi xaakilmka Somaliland ee WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ay weheliyaan qaar kamida ah Agasimeyaasha dawladda ayaa Cisbitaalka guud ee Hargeysa ku booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka madaniga ahย  oo dagaladii kala danbeyay ku soo dhaawacmay.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada ciidamada Qaranka iyo madanigaย  waxaanu ka xaal waraystay caafimaadkooda iyo sida loogu adeego.

Dhankooda ciidamada dhaawaca ah ayaa guddoomiyaha ku bogaadiyay booqashada uu ku soo booqday Cisbitaalka iyaga oo ku ammaanay dareenka iyo masuuliyada uu ugu damqaday ee uu ku soo booqday.

Guddoomiyuhu wuxuu caafimaad qab degdeg ah urejeeyey dhaawacyada ciidamada waxaanu ILLAAHAY ugu baryay inuu caafimaad taam ah siiyo.

 

ย 

ย 

ย 

ย 

ย 

ย 

ย