Hargeysa(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa furay isla markaana ka qayb galay Shirka Siyaasadda Caafimaadda Qaranka JSL oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, laguna qabtay Huteelka Ambassador magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland oo madasha hadal ka jeediyay,ayaa sheegay in caafimaadku uu yahay adeeg qofka muwaadinka ahi u xaq u leeyahay “Adeegga caafimaadku waa xuquuq uu leeyahay qofka muwaadinka ahi,waxaana waajib ah in aynu gaadhsiino adeega qofka muwaadinka ah xiliga awoodda qaranku innagu sinto”
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in xilligii koritaankiisa uu soo maray waxbarasho iyo caafimaad billaash ah isla markaana qorshaha xukuumaddiisu uu yahay in labaada adeeg ee caafimaadka iyo waxbarashada in lacag la,aan la gaadhsiiyo qofka muwaadinka ah,waxaanu yidhi. “anigu waxaan koray labadaa daeeg ba iyagoo bilaash ah oo dugsigii hoose dhexe iyo sare illaa jaamacad bilsaash ayay ahaayeen haddaan caafimaad u baahdona bilaash ayuu ahaa.”
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay qorshaha xukuumaddiisa ee adeeg gaadhsiinta g=muwaadiniinta ayaa sheegay in aan lacag laga dayin isla markaana aan ganacsi ku jirin caafimaadka iyo waxbarhada,waxaanu yidhi. “Caafimaadka iyo waxbarashada midna ganasci kuma jiro lacagna lagama doono waxaanan ku rejo waynayay in caafimaad iyo waxbaraso bilaash ah aan muwaadiniinta gaadhsiino.”
\
Madaxweynaha oo ka hadlayay waxyaabaha saamaynta ku yeelan kara qofka caafimaadkiisa,ayaa yidhi. “ waxyaabaha laga yaabo in ay qofka caafimmaadkiisa saamayn ku yeeshaan waxaa ka mid ah cuntada uu cunayo ama dawada uu qaatay,dadku marka ay dibedda u baxaan dhibaatooyin badan ayaa laga sheegaa cuntada uu cunaya ama dawada u qaatay.”