Qore C/wahaab Daahir Xasan
Boorama (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, barbaarinta iyo sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Prof.Ismaaciil Ducaale Yuusuf oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda waxbarashada ayaa Shalay ka daah-furay dugsiga Sheekh Cali Jawhar ee magaalada Boorama, barnaamijka wacyigelinta Qishka Imtixaanaadka shahaadigga ah ee sannad dugsiyeedka 2024-2025-ka.
Weftigan oo uu hogaaminayey wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyey, guddoomiyaha waxbarashada gobolka Awdal Xuseen Caateeye Jaamac iyo madaxda gobolka.
Geesta kale Ujeedada Barnaamijkan ayaa ah sidii looga hor tegi lahaa isla markaana looga wacyigelin lahaa arrimaha eegashada/Qishka, kaas oo muddooyinkan danbe aad ugu soo kordhay dugsiyada waxbarashada.
Gabagabadii dadaalada Waciygalineed ee ku aadan Xiliyada ardaydu galayaan Imtixaanaadka shahaadiga ee Dusiyada Hoose dhexe iyo Dugsiyada sare ayaa ah mid ay wadaan wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska iyo sidoo kale Xafiiska Imtixaanaadka qaranka oo iskaashanaya isla markaana ardayda lagu dhiirigalinayo sidii ay uga fogaan lahaayeen waxyaabaha ka baxsan anshaxa Imtixaanka ee uu ku waayi karo Imtixaanka islamarkaana Hal bacaad lagu lisay ka dhigaysa Dadaalkii uu mudada dheer soo waday Tacabkii waalidka iyo macalimiinta