Khadar.M.Dhako.
Hargeysa( Dawan)Maayerka Caasimadda Hargaysa Mudane Cabdikariin Axmed Mooge ayaa shalay kulan la qaatay maayaradii iyo ku maayar ku xigeenadii hore ee Caasimadda Hargaysa.
Maayarada iyo Maayar ku xigeenada uu kulanka la qaatay Maayarka Caasimadda Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge waxay ka kala yihiin Xuseen Maxamuud Jiciir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco Maxamed Cabdilaahi Uurcadde iyo Cabdicasiis Maxamed Cagowayne.
Kulankan ayaa waxa ujeedkiisu ahaa sidii laysaga kaashan lahaa horumarka iyo dadaalka waxqabad ee laga wado Caasimadda Hargaysa,
Sidoo kale waxaa laysla qaatay in maayaradii iyo ku xigeenadii hore ay noqdaan la taliyaasha gaarka ah ee Duqa Caasimadda Hargaysa.