Maraykanka ayaa ka noqday abaal marintii $10m ee uu dulsaaray hogaamiyihii Taliban Haqqani

0
50

Maraykanka ayaa ka noqday abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo doollarka oo Maraykanku u ballan qaaday ciddii keenta xog horseedda in la soo xidho hoggaamiyaha ugu weyn ee Taliban, Sirajuddin Haqqani, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan.

Inkasta oo lagu dhawaaqay Sabtidii, FBI-da ayaa wali abaal-marinta ku dartay shabakadeeda, iyada oo sheegtay in Haqqani “la rumeysan yahay inuu isku dubariday oo uu ka qaybqaatay weerarrada xuduudaha ee ka dhanka ah Maraykanka iyo ciidamada isbaheysiga ee Afgaanistaan”.

Talaabadan ayaa timid kadib markii maalintii Khamiista ahayd kooxda Taliban ay sii daayeen muwaadin u dhashay dalka Maraykanka oo muddo laba sano ah ay haysteen.

Siideynta George Glezmann, oo la afduubtay isaga oo dalxiis ahaan ugu safrayay Afgaanistaan ​​bishii December 2022, ayaa noqoneysa markii saddexaad oo maxbuus Maraykan ah ay sii daayaan Taliban tan iyo bishii Janaayo.

War qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayuu ku sheegay in siidaynta Glezmann ay ka dhigan tahay “tallaabo wanaagsan oo wax dhisaysa”. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyey Qatar doorka ay ka qaadatay soo deynta.

Taliban ayaa horey ugu tilmaantay sii deynta maxaabiista Maraykanka inay qeyb ka tahay dadaalkeeda “caadiga ah” ee caalamiga ah.

Kooxda ayaa weli caalamku diidan yahay tan iyo markii ay la wareegeen Afgaanistaan ​​bishii Agoosto 2021. Ma jiro waddan si rasmi ah u aqoonsaday dowladda Taliban inkasta oo dalal dhowr ah ay weli ka shaqeeyaan xarumaha diblomaasiyadeed ee dalka.

La wareegitaanka Taliban ayaa timid iyada oo maamulkii madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden uu kormeeray ka bixitaanka uu qeexay maamulkii ugu horreeyay ee madaxweyne Donald Trump.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sanadkii 2020 kala xaajooday Talibanka sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Afgaanistaan, waxaana uu ogolaaday 14 bilood oo kama dambeys ah in ciidamada Maraykanka iyo kuwa xulafada ah ay kala baxaan.

Haqqani, oo uu dhalay taliye caan ka ahaa dagaalkii ka dhanka ahaa Soofiyeedka, ayaa madax ka ahaa Shabakadda Haqqani ee awoodda badan, oo ah “koox argagixiso” oo Maraykanku u aqoonsan yahay in muddo ah loo arko mid ka mid ah kooxaha hubaysan ee ugu khatarta badan Afgaanistaan.

Waa mid caan ku ah adeegsiga qaraxyada, waxaana la rumeysan yahay inay soo abaabushay qaar ka mid ah weerarradii ugu caansanaa ee Kabul sannadihii la soo dhaafay.

Shabakaddan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay dishay saraakiil sarsare oo reer Afgaanistaan ​​ah iyo inay lacag madax furasho ah ku haysay muwaadiniin reer galbeed ah oo uu ku jiro askari Maraykan ah oo lagu magacaabo Bowe Bergdahl oo la sii daayay 2014-kii.

Haqqani wuxuu ku sii jiray raadaarka Mareykanka xitaa ka dib markii Taliban la wareegeen. Sannadkii 2022-kii, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa duqayn ka geystay magaalada Kabul waxa ay ku dileen hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri. Guriga lagu dilay Al-Zawahiri ayaa ahaa guri Haqqani, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.