Burco(Dawan):- Cabdiraxmaan Muuse Axmed Fidhin waa maxbuus ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Burco isla markaana uu ka dhammaaday xukunkii Maxkamaddu ku riday balse u xidhan muddo dheeraad ah dayn uu u xidhan yahay.
Maxbuuska ayaa loo haystaa dayn dhan 13.000(saddex iyo toban kun oo Dollar) waxaanu sheegay in aanu iska bixin karayn isla markaana isaga iyo qoyskiisuba ay yihiin fiqiir aan awoodin bixinta daynta loo haysto waxaanu bulshada reer reer Somaliland iyo umadda islaamka ah ee wax tari karaaba waxaa uu ka codsaday in ay dayntaa ka bixyaan oo ay maalmaha fadliga badan ee ugu dambeeya bisha Ramadaan ay u gurmadaan oo ay dayntaa ka soo bixiyaan siu u u helo xorriyaddiisa.
Maxbuuskan oo ah muwaadin reer Somaliland ah ayaa muddo sannad iyo badh xabsi dhaaf ah ah ku xidhan jeelka Burco, kadib markii maxkamada Burco ku xukuntay xidhig dheer oo kaga ekaa 26 September 2024, kaas oo muddo dhaaf ah. Isaga oo maxbuusku uu sheegay in isaga iyo qoyskiisu yihiin dad faqiir ah oo aan awoodin inay bixiyaan lacagta daynta ah ee loo heysto sidaas darteed-na loo baahan yahay in loo gurmado.
fka inta la nool-yahay wax la is taraaye, Cabdiraxmaan Muuse Axmed Fidhin waa maxbuus ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Burco muddo sannad iyo dheeraad ah ayaa dar ILAAHAY ummadda Soomaaliyeed uga codsaday in laga bixiyo lacag dhan $13, 000 Dollar (Saddex iyo tobban kun oo Dollar) oo dayn ah oo loo haysto oo uu u xidhan-yahay, si uu u helo xoriyadiisa.
“Waxaan ahay maxbuus ku dhex dhibaateysan jeelka Burco oo loo haysto deyn dhan $13, 000 Dollar (Saddex iyo tobban kun oo dollar), dar ILAAHAY waxaan umadda Somaliland iyo guud ahaan umadda muslimiinta ahbauga codsanaya inay iga soo bixiyaan dayntaas,.Walaalayaal ceelna iima qodna cidna ima maqna ee ii gurmada Walaalahayoow…” Sidaa waxa yidhi Maxbuus Cabdiraxmaan Muuse Axmed Fidhin oo ku xidhan jeelka Burco.
Walaalka muslimka ah ee dar ILAAHAY uga soo qayb qaadanaya qaadhaanka loo uruurinayo Walaalkeena ku xidhan Jeelka Burco waxa uu wax ku soo hagaajinayaa Akoonada hoos ku qoran ee ka soo qeybqaado.
Mobile: 00252-634291964 ZAAD
Mobile: 00252-654291964 E-DAHAB