In ka badan kun qof ayaa xabsiga loo taxaabay intii ay socdeen mudaaharaadyadii ka dhashay xadhigii xabsiga loo taxaabay duqii magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu, sida uu Isniintii sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Ali Yerlikaya.
Qoraal uu soo dhigay X, ayuu Yerlikaya ku sheegay in “1,133 tuhmane lagu xidhay falal sharci-darro ah oo la fuliyay intii u dhaxaysay March 19 iyo March 23, isaga oo intaa ku daray “in dadka la qabtay ay ka mid yihiin shakhsiyaad xidhiidh la leh 12 ururo argagixiso oo kala duwan.”
Imamoglu, oo ah siyaasi ay is hayaan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa laga soo qabtay gurigiisa Arbacadii. Maamulka Istanbul ayaa mamnuucay mudaaharaadyada waxayna xidheen waddooyinka qaar “si loo ilaaliyo xasilloonida guud” iyo “ka hortagga falal kasta oo kicin kara oo dhici kara.”
In ka badan 120 booliis ah ayaa sidoo kale lagu dhaawacay mudaaharaadyada, ayuu yidhi Yerlikaya, isaga oo intaa ku daray in walxaha ay ka mid yihiin “ashito, dhagxaan, ulo, rashka, Molotov cocktails, faashash iyo mindiyo” la qabtay.
Yerlikaaya oo u muuqday digniin mucaaradka ku wajahan, wuxuu yidhi: “Qofna yuusan isku dayin inuu dhallinyaradeenna iyo dadkeenna gaashaan u dhigto hankiisa siyaasadeed.
Erdogan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii ku tilmaamay mudaaharaadyadii ugu dambeeyay “dhaqdhaqaaq rabshado ah”, isaga oo sheegay in xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ah ee xisbiga Jamhuuriga (CHP), uu mas’uul ka yahay wax kasta oo burbur hanti ah iyo dhaawac soo gaadha askarta booliiska ee ka dhacay dibadbaxyada.
Erdogan ayaa u so jeediyey dadka mudaharaadaya in ay ka xishoodaan xumaanta ay u ixtiraamaan dalka iyo dadka.
Mudaaharaadyo ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalooyin kala duwan oo dalka Turkiga ah, sida Istanbul iyo caasimadda Ankara, dibadbaxyada ayaa looga soo horjeeday xadhigga Imamoglu.
Imamoglu, oo ah ninka ugu daran ee uu loolanka adag kula jiro Erdogan, ayaa la xidhay maalmo ka hor inta aan loo magacaabin musharaxa CHP ee doorashada soo socota ee madaxtinimo, taas oo la filayo inay dhacdo 2028. Maalintii Axadda, ayaa si rasmi ah loogu maxkamad iyada oo la sugayo eedeymo musuqmaasuq.
Ilaa 100 qof oo kale oo lala xidhiidhyay duqa ayaa sidoo kale la xidhay, oo ay ku jiraan duqa magaalada Istanbul ee la doortay Resul Emrah Sahan iyo Murat Calik.
Dadka dhaliila Erdogan ayaa sheegaya in xadhiga Turkiga uu u taagan yahay isbedel halis ah, xilli Erdogan uu doonayo inuu sii kororsado xukunkiisa xilli ay sii kordhayaan cadaadiska ka dhanka ah mucaaradka.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Imamoglu uu ku socday hammi ah in uu mar uun dalka hoggaamiyo. Codbixinaha qaar ayaa sheegay in haddii uu u tartamo madaxweyne Erdogan in Imamoglu uu heli doono codad badan.