Qore C/Wahaab Daahir Xasan
Malaysia (Dawan):- Agaasimaha waaxda maalgashiga ee wasaarada horumarinta maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Hibaaq Cali Cabdo oo safar shaqo ku tagtay wadanka Malaysia, ayaa kulan la qaadatay Hay’adda maalgashiga u qaabilsan dalkaasi oo magaceedu yahay Malaysia, maamulka horumarinta Maalgashiga ee Malaysia (MIDA), Agaasimaha ayaa halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay.
Agaasimaha waaxda maalgashiga iyo warshadaha ee wasaaradda maalgashiga Somaliland ayaa si cilmiyaysan ugu bandhigtay masuuliyiinta Hay’adda maalgashiga ee dalkaasi noocyada iyo fursadaha maalgashi ee dalka ka jira iyo sida ay Somaliland diyaar ugu tahay inay hesho saaxiibbo dhaw oo maalgashi ku sameeya dalkeeda.
Sidoo kale Marwo Hibaaq ayaa la wadaagtay masuuliyiinta Hay’adan sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqayneed iyo xidhiidh maalgashi oo daahfuran kaasi oo ka hirgala labada dal si loo helo iskaashi buuxa oo dhinaca maalgashiga ah, maadaama oo ay Somaliland leedahay kheyraad dihin isla markaana ay ku taal Buqcad dunida muhiim u ah.
Geesta kale Kulankan ayaa ah kii horeeyay ee wasaarada maalgashiga iyo horumarinta warshaduhu ay ku balaadhinayso horumarinta maalgashiga dibada ee toos ka ah ama kaasi oo looga goleeyahay sidii ay Somaliland u kasban lahayd saaxiibo ka caawiya dhinaca maalgashiga iyo sidii loo abuuri lahaa xidhiidho xoogan oo ay Somaliland la samayso dunida inteeda kale, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan dhinaca iskaashiga kheyraadka dihin.
Dalka Malaysia ayaa ka mid ah wadamada ugu dhaqaalaha xoogan bariga Asia marka laga hadlayo maalgashiga dibada ee tooska ah tanina waxa ay ku tusaysaa sida wasaaradda maalgashiga iyo warshedaha Somaliland ay diirada u saartay kala xulashada dalalka ku haboon maalgashiga ay Somaliland u baahan tahay iyo helista saaxiibo dhab ah oo dhinaca maalgashiga ah.
Gaba-gabadii kulankan u dhexeeyay wasaaradda maalgashiga Somaliland iyo Hay’adda maalgashiga u qaabilsan dalka Malaysia ayaa ku soo dhamaaday is fahan iyo sidii loo dardar galin lahaa xidhiidhka labada dhinac ee Malaysia iyo Somaliland loona xoojin lahaa wada shaqayn hufan oo dhinaca maalgashiga ah.