WEEDHA WARGAYSKA Somaliland waxay u Baahan tahay Saaxiib u Dhigma Taageereyaasha Cadawgeeda

0
56

     

Somaliland kama xuma cilaaqaadka ay dalalku yeellanayaan. Waxase ay u baahan tahay in  taageerada ay cadowgeedu helayaan wax u dhigna inay ka hesho dalalka ay la jaalka tahay.  Ama aragtida siyaasaddeed ay xulafada ku yihiin. Tani waa sida ay ku dhisan tahay mabaadi’da gaashaan-buuraysiga caalamku.

 

 

Turkiga oo waajahaya caqabado gobol iyo kuwa istaraatiijiyaddeed oo caalami ah, waxa uu geeska Afrika ka dhigtay deegaan uu doonayo inuu kula loollamo awooddo ay isku hayaan mandaqado kale,sida bariga dhexe iyo Yurub.

 

 

In Muqdisho oo itaal ay leedahayba ah xarunta ugu weyn ee laga carqaladeeyo danaha iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland uu ka dhigtay dhufays istaraatiijiyaddeed wax la qariibsado ma ahayn Turkigu marka la eeggo sida uu dhowr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey ugu hawlanaa la wareegida ilaha dhaqaalaha iyo kaabeyaasha waaweyn ee Xamar.

 

Tirada ku dar inuu maamulka Itaalka yar ee Soomaaliya kula heshiiyey difaac baddeed iyo soo-saarida khayraadka Shidaalka, shaqaddaasoo uu durba bilaabay.

 

 

Hase yeeshee, arrinta khatarta ah ee hadda taagani waa inuu si aan gabasho lahayn ugu soo daabulayo hub iyo saanad Millateri oo Cir iyo dhulba leh, taasoo daba socota doorka sooyaalka leh ee uu ku lahaa dhismaha iyo tababarka Ciidammada maamulkaas oo uu weli si hagar la’aan ah uga taageero.

 

 

Dhammaan dhaqdhaqaaqyada Turkiga ka soo bilow hawlgalkii lagu sheegay gurmadka bina’aadaminimo ee 2011 ilaa wakhti xaadirkan oo uu xadhkaha goostay waa kuwo khatar ku ah Geeska Afrika, gaar ahaan mandaqada ay Somaliland deriska la tahay ee Soomaaliya. Waayo wuxuu gacanta u gelinayaa awood halis badan oo aanay maamuli karin Kooxda Muqdisho fadhigeedu yahay, awooddaasoo ah hubka iyo diyaaradaha bilihii u dambeeyey u keenay oo sida la hubo aan ku jirin gacan aamin ah oo qaadi karta masuuliyadda xakamaynta iyo maamulka hubkaasi.

 

 

Taas waxa u daliil ah sida uu gacmaha Argagixisada iyo shacabka u galay hubkii iyo saanadihii kale ee ay sannadihii la soo dhaafay Masar keentay Soomaaliya. Sidaas markay tahay kudlada isxambaarsan ee uu Turkigu ugu taag iyo tug-tug roon yahay, Masar qaybta ka tahay, isla markaana Shiinuhu siyaasaddiisa aamusan iskugu fidinayaa gobolka geeska Afrika waxay ku riixayaan fawdo iyo qalaalaase ka dhex dhasha hirdanka ay kula jiraan darafyada kale ee loollanka istaraatiijiyaddeed iyo siyaasaddeed ka dhexeeyo.

 

 

Sidoo kale, waxa ay halis ku yihiin danaha Somaliland iyo nabad-gelyada xuduuddaha u dhexeeya Soomaaliya oo ay iminkaba qayb ka yihiin colaadaha iyo xasaradaha riiqda leh ee ka socda, taasoo aanay Jamhuuriyadda Somaliland dhinaceeda taageero weyn oo muuqata uga helin saaxiibaddeeda Afrika, Yurub iyo Aasiya si lamida gacan-siinta uu cadowgeedu ka helayo kuwa garabka iyo gaashaanka u noqday ee aynu kor ku sheegnay.

 

 

Sidaasi awgeed, Jamhuuriyadda Somaliland oo ah meesha istaraajiiyad ahaan lagu taamayo ee ay cadowgu isu soo bahaysteen, wakhtigan isbedellada waaweyn iyo xiisadaha gilgilashada leh ka socdaan adduunka, waxa ay uga baahan tahay  saaxiibaddeeda iskaashiga siyaasaddeed, dhaqaale iyo istaraatiijiyaddeed leh inay si cad oo aan gabasho lahayn u garab istaagaan, una muujiyaan indhaha xulafada ka soo horjeeda in aanay keligeed cidla joogin ee ay difaac millateri iyo dood siyaasaddeedba ka helayso dhankooda.

 

 

Taageerada dhinaca gaashan-dhiggu waa qoddob muhiimad gaar ahaaneed u leh dawladda Somaliland, maadaama si aan xad lahayn loo hubaynayo cida ay isku hayaan badda iyo Beriga ay gobolka ku leedahay. Tani maaha wax ay baryo gacmaha cid ku hoos dhiganayso, balse waa xuquuq ku jaan-go’an mabaadi’ iyo iskaashi ku dhisan danno istaraatiiji ah.

 

Xulafada Somaliland waa inay ku baraarugaan halista isa soo taraysa ee Shiinaha iyo Turkiga, xili balaayiin doolar ay dawladda Muqdisho ee ribatay ay weli ka hesho dalalka qaadhaanks bixiya ee yurub iyo Maraykanka