“Heshiiska dawladaha Itoobiya iyo Somaliland haddii uu horumar sameeyo, meesha kama saari doonto in ay mustaqbalka yeeshaan iskaashi Somaliland iyo Koonfurta Suudaan”
Wasiiru-dawlaha Arrimaha Golaha Wasiirrada ee dalka Koonfurta Suudaan, David Nyang, ayaa sheegay in haddii heshiiska iskaashe ee dawladaha Itoobiya iyo Somaliland uu horumar sameeyo, aanay meesha ka saari doonin in ay mustaqbalka yeeshaan iskaashi Somaliland iyo koonfurta Suudaan.
David Nyang wuxuu sidaasi ka sheegay waraysi uu siiyay wargeyska The Advocate Post, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu caddeeyay in dekedda istaraatajiga ah ee Berbera ay noqon karto xalka ay u doonayaan inay marin suurtogal ah u helaan dhoofka saliida dalkooda maadaama oo dagaalada Suudaan ay xanibeen khayraadkii uga dhoofi jiray dekedda Suudaan.
Wasiirul-dawle David Nyang wuxuu sheegay inkasta oo aan weli la aqoonsan Somaliland, haddana dalkiisu uu xidhiidh taariikhi ahi la leeyahay JSL oo xafiis ku leh caasimadda Jubba isla markaana wefti culus oo ka socday Somaliland ay ka qaybgaleen xafladii madaxbannaanida Koonfurta Suudaan sannadkii 2011kii.
Wasiirul-dawlaha arrimaha golaha wasiirrada koonfurta Suudaan, wuxuu sheegay maadaama oo dalkiisu aanu bad lahayn ay lagama maarmaan tahay inay qabatimaan jidadka xalka lagu gaadhi karo oo aanay jirin wax ka maanacaya inay Somaliland la yeeshaan cilaaqaad iskaashi.