Qore C/wahaab Daahir Xasan
Ceel-Afwayn (Dawan) Gudidda xidhayaasha labada beelood ee nabadayntoodu ka socotay magaalada Ceel-afweyn ayaa taageray go’aamada Xukuumada Somaliland ee adkaynta amniga magaalada Ceelafweyn, labda beelood ayaa maalmihii u dambeeyey heshiis lagu dhex dhexaadianmayey ka socday magaalada Ceel-afwayn halkaasi oo ay ku sugnaayeen wafti heer sare ah oo uu horkacayey Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi isla markaasina bilihii u dambeeyey ku sugnaa Magaalooyinka Ceel-afwayn iyo Ceergaabo ee Gobolka Sanaag.
Gudidan ka soo kala jeeda labada ardaa ee beelaha walalaaha ah ayaa ku shiray aqalka nabada oo ku yaala Magaalada Ceel-afwayn, waxana ay si buuxda u taageereen go,aankii dhawaan ay ka soo saartay xukuumada Somaliland sidoo kalena waxa ay ku baaqeen in shacabku qaataan una hogaan samaan go,aan kaasi, dhinaca kalena balan qaaday in ay ka gudi ahaan la shaqayn doonaan xukuumada.
”Anagoo ah xidhayaashii labada dhinac ee gartoodu ka socotay degmada Ceel-afwayn oo si wada jir ah baaqan u jeedinayna, waxaanu ayidsanahay oo aanu si buuxda u taageeraynaa baaqii nabad galyo ee ay soo saareen Wasiiru dawlaha Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo badhasaabka gobolka sanaag iyo gudiga golaha guurtida ee ku sugan Magaalada Ceel-afwayn iyo maayerka Degmada ceel-afwayn iyo taliyayaasha ciidamada baaqaas ayaanu si buuxda u taageer sanahay” odayaasha dhaqanka ee labada beelood ayaa sidaas yidhi.
Geesta kale gudidu waxay sheegeen in dhamaan go,aamadii laga akhriyey goobta ay ka gudi ahaan dawlada gacan ka siin doonaan waxa kale oo ay balan qaadeen in cidii amaradaas u hogaansami wayda am aka hortimaad in ay dawlada ku taageeri doonaan wax ka qabashadeda taasi badalkeedan hadiiba ay dhacdo in dawladu xidho cid ama shakhsiyaadka jabiya marada soo baxay aanay ka daba tagi doonini sidii hore u dhici jirtay isla markaana dawlada ay uga dambayn doonaan talaabooyinka ay ka qaadanayaan.
Gabagabadii odayaasha gudida dhaqanka ee labada beelood aya sheegay in ujeeda guud ee ay isugu yimaadeen ay tahay garab istaaga go,aamada dawlada Somliland ka qaadato shaqaaqada labada beelood ee soo noqnoqotay si loogu helo xalwaara.