Madaxwaynaha JSL oo Mishiinadda Kelyaha lagu Sifeeyo ugu Deeqay Cisbitaalka Guud ee Hargaysa

0
80

Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Hargaysa ayaa Madaxweynaha JSL uga mahad-naqay deeqdan oo ka kooban 10 Mishiin oo kuwa Kelyaha lagu sifeeyo ah

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa toban Mishiin oo kuwa kelyaha lagu sifeeyo ah ugu deeqay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, kuwaasi oo wax wayn ka tari doona baahidii ay bulshadu u qabeen helista mishiino lagu maarmo.

Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Hargaysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ayaa ka mahadnaqay deeqdan mishiinada ah ee madaxweynaha JSL gaadhsiiyay Cisbitaalka Hargaysa, waxaanu sheegay in ay madaxwaynaha ka dalbadeen mishiinada isla markaasina uu madaxwaynuhu si deg-deg ah uga soo jawaabay baahidooda.

Agaasimaha guud ee cisbitaalka guud ee Hargeysa oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu halkan ku daahfuraynaa 10 mishiin oo lagu soo kordhiyey waaxda daryeelka iyo daaweynta kelyaha ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ahna mishiinada kelyaha lagu sifeeyo.

Tobankan mishiin waxa cisbitaalka ugu deeqay madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kana soo jawaabey kadib markii aanu u bandhigeynay baahida ka jirta waaxda kelyaha ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa”.

Dhinaca kale Agaasimaha cisbitaalka Hargaysa ayaa ka warbixiyay waaxda Kelyaha iyo qaybaha ay ka kooban tahay iyo sidoo kale bukaanada loogu adeego, taasi oo uu sheegay in ay jiraan dad bilaa mishiino ah waxaanu tilmaamay “Waaxdani waxa ay ka kooban tahay qayb xukuumaddu hirgelisay iyo Qayb Imaaratka Carabtu hirgeliyeen Mishiinadii hore ee yaalayna ilaa 2014 way shaqaynayeen.

Bukaanada Cisbitaalka Kelyaha loogu sifeeya waxay dhan yihiin 150 qof, waa inta haysata mishiinka kelyaha, waxa jira dad ilaa 20 ka badan oo aan weli meel helin, oo iyaguna u baahan mishiinadan oo kale haddii cisbitaalku heli lahaana aanu qaabili kari lahayn”.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in mar kast ay badanayaan dadka bukaan socodka ah ee dhinaca Kelyaha ah, waxaanu madaxwaynaha uga mahad celiyay kaalmada mishiinada ah ee uu ugu deeqay dadka aadka ugu baahan ee bukaanka Kelyaha waxaanu yidhi “Mar kasta tirada dadka bukaan socodka ahi way kordhaysaa, sababta oo ah waxa inagu badan xannuunadii Dhiigkarka, Macaanka iyo xannuunadii kale ee qofka kelyaha fadhiisin lahaa.

Madaxweyne waxaanu ku leenahay ILLAAHEY miisaanka xasanaadka ha kuugu daro, aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay bulshadana waxaanu leenahay deeqdaasi madaxweynuhu way na soo gaadhey, tirada bukaanadu way nagu badan yihiin ee ciddii Mushiino nagu soo kaalmeyn karta ha noo keento.”