“Muran laba Shirkadood Dhexdooda ah ayaa loo Hakiyay Markabka…” Gudoomiyaha gobolka Saaxill

0
57

Qore C/wahaab Daahir Xasan.

Hargeysa (Dawan);- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Maxamed Daahir Cabdalle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in uu joojiyay rogista Markab taagan dekedda Berbera, waxaanu sheegay in ay jirto shirkad haysata daabulka alaabta dekedda ka soo baxaysa, isla markaana shirkadda kale na ay doonayso in ay iyaduna daabusho alaabooyinka dekedda ka soo baxaya.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil ayaa intaa ku daray in muranka labada shirkadood dhexdooda ah ay u joojiyeen hawsha Markabkaasi iyaga oo ilaalinaya in ay isku dhacaan shirakaduhu, isla markaana ay go’aan Xukuumadda Somaliland ka soo saarayso, inta go’aan ka soo baxayana ay Xukuumadda dhexe ka war sugayaan.

”Dekada waxa haysta niman Tawfiiq layidhaaho, oo in mudo ah ba iyagaa soorara alaabada kuwaasi oo ah gaadiidlay dhinaca baabruurta ah, markabka wax ka dajiya alaabta uu sido xamaaliin iyo shirkada DP World balse qofka gaadhiga leh ee doonaya in uu alaab ka qaado dekada Berbera waxa uu ku biiraa shirkada tawfiiq iyagaana laga dalbadaa baabuurta, waxa meesha ku soo biiray shirkad kale oo alaabta qaadayso oo layidhaa afrika anaguna waxanu ka baqanay in uu isku dhac meesha ka yimaad arintiina waa lagu jiraa markaa laba mid uun bay noqonaysaa in Tawfiiq loo daayo iyo in shirkada Afrika loo daayo, amaba waxa imaan doonta in kootada laga saaro cidwalba ay wax rarato” Gudoomiyaha Gobilka Saaxil.

Gabagabadii Gudoomiyaha ayaa sheegay in labada shirkadood mid kood loo fasixi doono qaadista alaabada marka marunka la soo afjaro waxa kale oo uu sheegay hadiiba ay dhiciwaydo qaadista qaadista alaabta in shirkad kalaya ayaa qaado ay samayn doonaan in labada shirkadooba lagu amro in midba dhinaceeda alaabta ka daabulato lagana saaro nidaamka kootada.