Taliyaha Ciidamada Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo Oog ka Daah-furay Diwaan-gelinta Ciidamada

0
90

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Sarreeyo guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali ayaa Taliska Aagga Bari ee Oog ka daah-furay diwaan-galinta Ciidanka qaranka Somaliland.

Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Sarreeyo guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa waxa uu sheegay in tira koobka kor loogu qaadayo tayada Ciidanka qaranka, waxaana uu yidhi “31 sanno ka dib aasaaska Ciidanka qaranka Somaliland, waa markii ugu horraysay ee lagu sameeyo diwaangalin, si kor loogu qaado tayada Ciidanka qaranka iyo kala dambaynta Ciidanka qaranka. taas oo wareegto uu ku soo saaray Madaxweynaha Somaliland markii uu xukunka yimid. waxaana la tirakoobayaa fadhiisimada Ciidanka qaranka Somaliland, kuwaas oo kaga jira shaqadii loo igmaday.”

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali ayaa waxa uu tilmaamay in ay farxad u tahay in uu kala qayb-qaato diwaangalinta Ciidanka qaranka ee taliska Oog, waxaana uu yidhi “Farxad ayay ii tahay in aan kala qayb-qaato taliska Oog diwaaangalinta Ciidanka qaranka ee jooga jiida hore.

Waxaa mudan oo muhiimad weyn leh, Diwaangalinta Ciidanka qaranka oo muddo soddon sanno ah ka dib uu ubilaabmay ciidanka qaranka in hab casri ah loo Diwaangaliyo.”