Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga JSL, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay suulinayaan ku dhaqanka qabyaalada, isla markaana ay la dagaalamayaan.
Sidoo kale wasiirku waxa uu xusay in sannad gudihi ay ku soo afmeerayaan qabyaalada xadhkaha goosatay, waxaanu tilmaanay in aan dib loo arki doonin qof dambe oo inta uu Telefiishan soo fadhiisto yidhaahda anaga oo reer hebela.
Geesta kale waxa uu sheegay in xukuumadda cusubi ay Somaliland ugu baaqayso midnimo, waxaanu iftiimiyay in waxa kaliya ee lagu gaadhi karaa guul ay tahay iyada la iska dhaafo fool-eriga qabyaalada.
Waxaanu yidhi.“Xukuumadani qabyaalada way ka soo horjeeda, waanu diideynaa, waanu la dagaalameynaa, waxaanu ahaaneyna dad Somaliland-na, balan waxaan idiinku qaadaya haddii ILLAAHEY yidhaahdo sannad gudihi inay ceeb noqoto nin inta uu shaashada soo fadhiisto reer hebelow yidhaahda waanu ka hortageynaa, waxa aanu leenahay dhallinyarada ha dhiirinina meelbaad kuwada korteen, xaafadbaad wada degan tihiin meelbaad wax ka wada barateen.
Qabyaaladu meel gaadhimeyso, maanta taariikhda aynu joogno midnimo ayaa lagu gaadhey, ma aqbaleyno una dulqaadameyno, bulshadeenana waxaanu tuseynaa inay ceeb tahay, oo laga xishoodo, oo la naco.
Xukuumadda cusubi waxay Somaliland, ugu baaqaysa midnimo taasa guul lagu gaadhaya, taasa taariikhdeena wanaajineysa, haddii taasina la waayana ma suuragaleyso.”