Sanadkii 1971 ayaa booliiska Westfield ee New Jersey ee dalka Maraykanka ay dadka jaarku ku wargeliyeen in guriga John Emil List iyo qoyskiisu ay deganaayeen aanay muddo bil ah laga soo bixin sida awgeedna ay wax khaldan yihiin.
Booliisku markii ay yimaadeen waxay arkeen in Albaabadu ay si caadi ah u wada xidhan, waxaana ay bilaabeen inay daaqadaha ka dhacaan. Guriga waxa ka baxayay miisiga waxaana ay ahayd mid yaab leh, qolkii hoose waxay ka heleen maydka xaaskii John Emil iyo 3 caruur oo u dhalay. Dabaqa sare markii ay koreen waxay ka heleen maydka hooyaadii oo 84 sano jirrtay.
Waxa kale oo ay qolka ka heleen warqad uu qoray gacan ku dhiigluhu waxaana ku qoraa :” Aniga aya dilay dhamaantood si aana uga nabad geliyo nolosha xun iyo Naarta, waxa laga yaabi lahaa haddii ay sii noolaadaan inay Naarta geli lahaayeen , haku dhintaan diinta Kiristaanka. Waxa kale oo intaasi ku daray in uu maalmahan ku jiray xaalad isku buuq ah ka dib markii shaqada laga eryay oo uu qoyskiisa ka qariyay laakiin uu biilka qoyska ka bixin jiray lacaga uu ka saaro Accountka hooyadii. John List ee qoyskiisa dhamaantood dilay waxa uu dhashay sanadkii 1925, waxaana uu aha mid aaminsanaa diinta Kiristaanka.
Booliisku markii ay aqoonsadeen inuu isagu dilay , way raadiyeen waxaana ay heleen gaadhigiisa oo goob cidla ah yaal, laakiin isaga jaan iyo cidhib meel u dhigay way waayeen. Sanadkii 1989 ayay nin sawir gacmeedka sameeya ayay u geeyeen sawirka John List waxaana ay codsadeen inuu sawiro ninkan John sida muuqaalkiisu noqon karo sanadkan madaama uu dilka geystay sanadkii 1971 oo ah muddo 18 sano ka hor.
Farshaxanka ayaa sida dhabta ee uu noqon karo gacanta ku sameeyay, waxaana laga sii daayay Teleshifinka barnaamijka gaar ahaan barnaamijka “ America’s Most Wanted” Banaamijka dadka inta badan la raadinayay.
Muddo ka yar Laba toddobaad markii telefishanka laga baahiyay ayay booliisku soo qabteen, ka dib markii islaan lagu magacaabo Denver oo ay jaar ahaayeen booliiska gaadhsiisay in ninka ay jaarka yihiin u eg yahay ka Telefishanka laga soo daayay ee la raadinayo. John List waxa uu la baxay magac cusub oo ah Robert Peter.
Ka dib markii loo gacan geliyey booliiska New Jersey, inkasta oo uu markii hore diiday in uu qirto haddana ugu danbaystii waxaa lagu helay shan dacwadood oo ah dil darajada koowaad ah waxaana lagu xukumay shan shuruudood oo isku xigta oo xabsi daa’in ah, taasoo ka dhigaysa mid aan u qalmin sii-daynta sharafeed ku dhawaad 75 sano.
Jhon List wuxuu bixiyay waxa aragtidiisa ahayd in xubnaha qoyskiisu ay ka weecdeen caqiidadooda diineed, taasoo ah sababtii uu u dilay. Waxaana uu rumaysnaa in dilkooda ay naftoodu u xaqiijinayso meel jannada ku taal, halkaas oo uu rajaynayo inuu ugu dambeyntii isaguna ku biirayo oo kuwada noolanayaa.
John list waxa uu ku dhintay jeelka dhexdiisa bishii March 21, sanadkii 2008, isagoo 82 sano jir ah, ka dib markii uu ku dhacay xanuunka Oof wareenka. Rumaynta iyo caqiiqda faasidka ahi waxa ay qofka ka dhigtaa mid waalan oo aan maskaxdiisu shaqanyan oo rumaysan mala awwl iyo khuraafaad dhibaato u keenaya isaga qoyskiisaba. Mar kasta dhagar qabaha wa la soo qabtaa in kasta oo uu baxsado.