Qore Daahir Cabdi Ciise
In kasta oo Taiwan aysan haysan aqoonsi rasmi ah oo caalami ah, haddana waxay noqotay mid ka mid ah dhaqaalaha ugu xoogan Aasiya. Dal yar oo ku yaalla Bariga Aasiya, haddana waxay ku guuleysatay horumar dhinacyo badan leh — waxbarasho, tignoolajiyad, maamul hufan iyo diblomaasiyad dhaqaale.
Haddaba, sidee ayay taas ku suurta gashay, maxaase Somaliland ka baran kartaa casharadda horumarka ah ee balaadhan.
Horumarka Taiwan: Maxaa Ka Dambeeya?
Hoggaan Aragti Fog Leh:
Taiwan waxay yeelatay hoggaan leh himilo qaran oo fog. Waxaa mudnaanta la siiyay horumarinta bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda nabadgelyada gudaha.
Xoog Saaridda Waxbarashada:
Waxbarashadu waxay noqotay laf-dhabarta horumarka. Dowladda Taiwan waxay si weyn u maalgelisay dugsiyada, jaamacadaha, iyo cilmi-baarista, taasoo dhalisay jiil aqoon iyo xirfad leh.
Tignoolajiyada iyo Hal-abuurnimada:
Taiwan waxay hormuud u noqotay tignoolajiyada, gaar ahaan warshadaha elektarooniga. Shirkadda TSMC waxay tusaale u tahay sida dalkaasi uga faa’iidaystay cilmi-baarista iyo hal-abuurka.
Dibloomaasiyad Dhaqaale:
Inkasta oo aysan lahayn aqoonsi siyaasadeed, Taiwan waxay la yeelatay dalal badan xiriir ganacsi oo xoog leh. Tani waxay beddeshay baahida aqoonsi rasmi ah.
Nidaam Dawladnimo oo Hufan:
Taiwan waxay dhistay dimoqraadiyad sugan, iyadoo la dagaallantay musuqmaasuqa. Tani waxay kor u qaadday kalsoonida dadweynaha iyo maalgelinta caalamiga ah.
Somaliland: Ma Noqon Kartaa Taiwan-ta Geeska Afrika? – Himilada Horumar ee ku Dhisan Aragti Fog iyo Isku Tashi
Somaliland waxay ku taallaa geeska Afrika, waxayna xuduud la leedahay Jabuuti, Itoobiya, Soomaaliya, iyo Badda Cas. Waxay leedahay xeeb dheer oo dhererkeedu yahay in ka badan 850km, taas oo fursad u ah ganacsiga iyo kalluumeysiga.
Dhulkeedu wuxuu gaarayaa 176,120 square kilometres (68,000 sq . wuxuuna hodan ku yahay kheyraad dabiici ah sida:
Macdanta (gold, copper, gypsum, beryllium)
Xoolaha nool iyo dhirta daawada ah
Tamarta dabaysha iyo cadceedda
Xeebo istaraatiji ah oo laga dhisi karo dekedaha waaweyn.
Somaliland Sidee Ayay yga Faa’iidaysan Kartaa?
Dhisidda Aragtida Qaran:
Somaliland waa inay la timaadaa qorshe qaran oo fog oo xooga saaraya waxbarasho, caafimaad, iyo hal-abuur, iyada oo aan ku xirnayn aqoonsi dibadeed.
Maamul Hufan iyo Isla Xisaabtan:
Sida Taiwan, Somaliland waa inay dhisto nidaam dawladeed oo hufan si ay u hesho kalsoonida maalgelinta wadamadda horumaraya
Kor u Qaadida Waxbarashada iyo Cilmi-baarista:
Waxbarashada iyo cilmi-baaristu waa furaha kobaca. Waa in la xoojiyo jaamacadaha iyo xarumaha xirfadaha si loo helo jiil cusub oo wax dhisa.
Istaraatijiyad Dibloomaasiyadeed oo Dhaqaale Ku Salaysan:
Somaliland waxay samayn kartaa xiriir dhaqaale iyo iskaashi ganacsi oo caalami ah xitaa iyada oo aan aqoonsi rasmi ah haysan.
Hal-abuurka Tiknoolajiyadda:
Waa in la dhiirrigeliyaa dhalinyarada hal-abuurka leh si ay u abuuraan xalal tiknoolaji ah oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada.
Gunaanad:
Taiwan waxay tusaale nool u tahay in horumarka dalku uusan ku xirnayn aqoonsi caalami ah, balse uu ku xiran yahay aragti dheer, hoggaan wanaagsan, iyo dad karti leh. Shacab waynaha Somaliland waxay Gartan inay isku wadda raacaan inuu hoggaamiyo diploomaasi waaya arag ah ee ku guulaystay doorashadii madaxtooyada.
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro)waa hoggamiye leh aragtii fog kuna heelaan siduu dalka u gaadhisiin lahaa horumar balaadhan
Wuxuu cagta saaray inuu dalka ka dhigo Taiwan-ta Geeska Afrika.
Daahir Cabdi Ciise