Intii ka danbaysay burburkii xukumadii Awami League ee dalka Bangladesh ee ay hogaaminaysay ra’iisul wasaarihii waagaas Sheikh Hasina, taas oo la riday bishii Agoosto 2024 waxa la magacaabay gudoomiyaha madaxa baananka ee baanka, kaas oo bilaabay inuu raadiyo lacagtii ay qaateen mas’uuliyiintii hore oo dalka dibaddiisa loo dhoofiyey.
Bangiga Bangladesh ayaa sameeyay 11 koox oo takhasus ah si ay ula socdaan hantida 11 qoys oo awood ku lahaa dawladaa hore oo lagu eedeeyay inay balaayiin doolar u xawileen Boqortooyada Ingiriiska, Imaaraadka Carabta, Maraykanka, Malaysia, iyo Singapore tobankii sano ee la soo dhaafay.
Xaddiga lacageed ee laga hadlayo ayaa ah mid la yaab leh. Kaliya mid ka mid ah 11-ka qoys ee baadhitaanka lagu wado ayaa looga shakisan yahay inuu $15bn oo lacag ah ka raray Bangladesh, hal kiis ayaa waxa uu la baxay ku dhawaad 90 boqolkiiba dhigaalkii hal bangi, taas oo keentay in lagu dhawaado inuu burburo Bankaas.
Ahsan Mansur, oo ahaan jiray dhaqaaleyahan IMF oo loo magacaabay guddoomiyaha bangiga Bangladesh maalmo ka dib dhicitaankii dowladda, ayaa ka walwalsan in lacagta inteeda badan ay meesha ka baxdo haddii aan si degdeg ah loo helin.
UK waa meeshii uu ka bilaabay. Mansur ayaa hadda wadahadal kula jira Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka ee Ingiriiska iyo shirkadaha sharciga ee London si uu u baafinayo oo uu ula wareego lacag lagu qiyaasay $25bn oo laga soo xadayBangladesh.
“Qaar badan oo ka mid ah qoysaskan waxay ku haystaan hantidooda debeda gaar ahaan London, marka waxaan u malaynaynaa inaan halkan ka heli doono hanti badan,” ayuu yidhi.
“Ujeedadayada oo dhan waa ugu yaraan in abuurno wacyigelin ah in UK ay tahay meesha loogu jecel yahay ee hantida la xado ee adduunka oo dhan, Bangladesh waa mid ka mid ah waddamada ay ka timid,” ayuu yidhi.
Mid ka mid ah dadka xiisaha leh waa wasiirkii hore ee dhulka, Saifuzzaman Chowdhury , oo la ogaaday inuu in ka badan $ 500m oo hanti ma-guurto ah uu ku leeyahay London iyo Dubai.
Sannadkii hore waxa la ogaaday in qoyska Chowdhury ay iibsadeen guri oo kuwa raaxada ah gudaha UK, loo badinayo London kaas oo qiimihiisu gaadhay 360 milyan.
Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Bangladesh ayaa xayiray ku dhawaad 40 ka mid ah akoonnada uu bangiga ku leeyahay Chowdhury, waxaana la saaray xayiraad dhanka socdaalka ah, balse bangiga dhexe ayaa si degdeg ah u doonaya inuu sidoo kale xayiro hantidiisa dibadda, si looga joojiyo inay suurtagal tahay in la iibiyo.
Chowdhury waxa uu ku andacoonayaa in uu dhibane u yahay gaadhsi siyaasadaysan oo ka dhan ah dadka lala xidhiidhiyay dawladii hore wuxuuna sheegay in uu hantidiisa si sharci ah u kasbaday.
In kasta oo Bangiga Bangladesh uu diiradda saarayo kaydinta hantida, Mansur wuxuu sidoo kale rabaa mas’uuliyiinta Boqortooyada Midowday ee UK iyo meelo kale inay baadhaan qareennada, bangiyada iyo wakiillada guryaha ee ka caawiyay inay balaayiin doolar qoysaskani u rartaan Uk.
“Sharciga ayaa lagu xadgudbay, wakiilo ama hawl wadeeno, bangiyada marar badan, kuwaas oo la shaqeynaya dambiilayaasha, waxaa jira arrimo kale oo badan, waxaan u maleynayaa inay tahay lagama maarmaan in mas’uuliyiinta dalka ay go’aan adag ka qaataan arrimahaas.”
Mansur waxa uu ku qiyaasey in ay qaadan karto ilaa shan sano in dib loo soo ceshado lacagaha la qaatay waxa uuna qiray in horumarku uu gaabis ku yimid iyada oo mas’uuliyiintu ay la tacaalayaan miisaanka iyo kakanaanta hawsha, laakiin waxa uu sheegay in dawlada UK ay caawinayso.
Hadda waxa uu ka fakarayaa in uu gorgortan qirasho ah siiyo kuwa gacan ka gaystay in ay lacag u raraan, ama xitaa nooc ka mid ah nidaamka cafiska si lacagta maqan dib loogu soo celiyo Bangladesh.
Arrin kale oo muhiim ah ayaa ah in hawsha adag ee dabagalka balaayiin doollar oo laga sameeyay meelo kala duwan hakad ku yimi ka dib isbeddelka dawladda ee Maraykanka.
Koox baadhayaal ah oo ka socda Maraykanka, oo shaqo ka bilaabi lahaa Bangladesh sanadkan, ayaa la joojiyay ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) maalmihiisii ugu horreeyay ee xilka cusub.
“Waxay ahayd inay si buuxda u joogaan Dhaka baadhayaashu, laakiin waa in la dhimaa… tiro ka mid ah khubaradayada… waxaa maalgelisay USAID, laakiin waa la joojiyay,” Mansur ayaa yidhi. “Taasi waa nasiib darro nagu ah, laakiin taasi waa sida ay tahay.”