Magafe Dhoofinayay Qudhaanjooyin oo lagu qabtay Waddanka Kenya

0
68

 

Afar nin ayaa gudaha dalka Kenya ku qirtay dambiga ah in ay isku dayeen in ay dalka ka dhoofiyaan boqollaal qudhaanja ah oo si weyn loo doon doonayay. Waaxda Adeegga Duur-joogta Kenya (KWS), oo aad looga bartay ilaalinta noolaha waaweyn, sida Libaaxa iyo Maroodiga, ayaa arrintan ku tilmaantay “dhacdo taariikhi ah”.

Waxyaabaha la qabtay waxaa ku jiray nooc kamida qudhaanjada waaweyn ee Afrika laga helo, kuwaas oo ay qaar ka mid ah ganacsatada UK ku qiimeeyaan ilaa £170 ($220) midkiiba. Kiisku wuxuu muujiyay “isbedel naxdinleh oo ku yimi qaababka ka ganacsiga noolaha], laga bilaabo Naasleyda caanka ah ilaa noocyada aan caanka ahayn ee muhiimka u ah isku dheellitirnaanta deegaanka”, ayay tidhi Waaxda Adeegga Duurjoogta ee Kenya.

Tuhmanayaashu waxay ku qariyeen noolayaashan la qabtay tuubooyin la farsameeyay oo si gaar ah loo hagaajiyay iyo Siliijyo” kuwaas oo awood u siin lahaa cayayaanka inay sii noolaadaan laba bilood, ayay tidhi KWS. Waxaa kale oo jiray “isku day la xisaabiyey oo lagu doonayay in lagaga gudbo nidaamyada amniga” iyadoo la qarinayo waxa ku jira tuubooyinka.

Sawirro laga soo qaaday rarista sharci darrada ah ee ay Waaxda Adegga Duurjoogta ee Kenya shaacisay ayaa muujinaya boqolaal Jiliijyo ah oo ay ka buuxaan suufaf oo mid walba ay ku jirto labo ama saddex qudhaanjo. Tirada saxda ah ee cayayaanka la dhoofinaayay ayaa wali ku socotaa qiimayn laakiin afhayeenka KWS Paul Udoto ayaa BBC u sheegay in tani ay tahay kiiskii ugu horreeyay ee “budhcadnimo” oo dalka Kemua gudahiisa ka dhacda oo heerkan ah.

Afarta qof ee la tuhunsan yahay oo kala ahaa labo u dhashay dalka Belgian, Vietnamese iyo Kenyan ayaa la xidhay ka dib waxa ay hay’adda KWS ku tilmaantay “howlgal qorshaysan oo sirdoonku hogaaminayey”.

Waxaa la aaminsan yahay in meelaha lagu waday qudhaanjooyinkani ay ahaayeen suuqyada xayawaanka ee Yurub iyo kuwa Aasiya

KWS ayaa sheegtay in baahida loo qabo noocyada cayayaanka dhifka ah ay sii kordheyso. Soo ururiyeyaashu waxay ku hayaan degaanno gaar ah, oo loo yaqaanno foricariums – oo ah sanduuq xidhan oo lagu sameeyo darsidda qudhaanjada iyo dhismaha deegaanadooda.

Qudhaanjada waaweyn qadhaabsata ee dhalatuuga Afrikaanka ah – ama Messor cephalotes – waa tan ugu weyn noocyadeeda waxayna kori kartaa ilaa 20mm, iyada oo boqoraddu ay korto ilaa 25mm.

Pat Stanchev, oo ah maamulaha guud ee website-ka ka ganacsada cayayaanka ee Best Ants ee UK, ayaa sheegay in ay tahay “xajmiga weyn ee quruxda badan” taas oo ka dhigaysa mid soo jiidasho leh kuwa doonaya in ay u haystaan sidii xayawaan guri.

Isagu ma iibiyo qudhaanjada weyn ee Afrikaanka ah ee qadhaabsata balse waxa uu BBC-da u sheegay in uu ka warqabo dadka isku dayaya in ay u gudbiyaan cayayaanka sida sharci darrada ah loo keeno.

Dalka Kenya, qudhaanjada waxaa ilaaliya axdiyada kala duwanaanshaha noole ee caalamiga ah, ganacsigooduna aad buu u nidaamsan yahay.

“Xeer ilaalintanu waxay diraysaa farriin adag oo ah in Kenya ay dhaqan galin doonto amarro… waxayna calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday dagaalka ay Kenya kula jirto dambiyada aan caadiga ahayn ee duurjoogta,” ayay tidh Waaxda Adeegga Duur-joogta Kenya (KWS).