Waxa uu doonayay in la xusuusto oo aan weligii la ilaabin , sidaa awgeed waxa uu goostay in tigidhada cashuurta dawladda ( Postage stamp) sawarkiisa lagu dhejiyo. Waxaana uu ku amray in loo sameeyo qaab tayo sare leh oo caalami ah oo aanay bulshadu cabasho ka keenin.
Arinkaasi ayaa ugu danbaystii loo dhameeyay isla markaana loo keenay tigidho qurux iyo tayoba leh, aadna wuu ugu farxay.
Laakiin markii dadku ay isticmaaleen ayuu maqlay cabshooyin sheegaya in aanay xabag adag lahayn oo ay aad u tayo xun yihiin. Si xoog leh ayuu uga xumaaday waxaana uu u yeedhay madax qaybta samaysay tigidhada isaga oo ka codsaday inay ogaadaan cabashada dadka iyo halka ay salka ku hayso.
Markii uu soo ururiyay cabashada ayuu ku soo celiyay jawaabtan waxaana uu ku yidhi: โ Mudane ma jiro wax ka xun tayada tigidhada. Mushkulada cabashadu waa dhinaca dadka isticmaalaya kuwaasi oo dhinac guracan oo aan xabag lahayn adeegsanayaโ. Dadkuna khaladkooda ay samaynayaan ayay ku dhaliilaan xukuumadaha iyo masuuliyiinta.