War-murtiyeed laga soo Saaray Shir 4 Cisho ka Socday Berbera oo ay soo Qabanqaabisay Wasaarada Beeruhu

0
95

Qore Boqore Axmed Cabdi

Berbera (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, ayaa magaalada Berbera ku soo gaba-gabeeyay shir lagaga arrinsanayay sugida cuntada kaas oo muddo afar maalmooda ka socday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Shirkan ayaa qayb ka ah mashruuca baanka adduunku ka taageerayo Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka qayb galay wasaaradda uu mashruucani khuseeyo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Gaas, oo shirkaasi soo xidhey ayaa warbaahinta la wadaagey nuxurka qodobada la isla qaatay.

Waxa uu sheegay in shirkani salka ku hayay, wax soo saarka beeraha, xoolaha, ilaalinta iyo kobcinta deegaanka.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in ka wasaarad beero ahaan ayaa xoga saarayaan sidii mashruucani u noqonlaha mid waxtarle oo midha dhala.

Waxaanu yidhi.“Wasaaradda beeruhu waxay soojeedisay in mudnaanta lasiiyo beerashada midhaha, hababka ugu fiican ee wax loo beeran karo iyo isticmaalka adeegsiga tiknoolojiyada.

Wasaaradda xannaanada xoolaha, xoojinta soosaarista cawska xoolaha, wax soo saarka hilibka, iibgeynta xoolaha, caanaha, daaweynta iyo tallaalka xoolaha.

Wasaaradda degaanka, sameynta guddida ilaalinta degaanka, wax ka qabashada dhirta aan manaafacaadka u lahayn degaanka, biyo qabatinka iyo laqabsiga isbedelka cimilada,”