Fadhiga Badan Iyo Xarakaad Yaraantu Waxay Caruurta Ku Keenaan Cilladahan

0
258

Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan xubinteena koowaad ee todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa dhibaatooyinka ay Caruurtu ka dhaxlaan fadhiga badan iyo xarakaad la’aanta, taasi oo loo baahan yahay in Waalidiintu ogaadaan.

Fadhiga badan ayaa mararka qaar waxa ay caruurtu ku keentaan xanuuno kala duwan inay ka qaadaan, sidoo Kalena ay noqdaan kuwo miisaankoodu aad u kordho, haddaba xubinteenan waxa aynu wax ka tilmaami doonaa qaar ka mid ah xanuunada ay caruurtu ka dhaxlaan fadhiga badan iyo xarakaad la’aanta iyo sidoo kale digniinaha caafimaad ee arrintaasi laga soo saaray.

Haddaba Xarunta wacyigelinta caafimaadka ee faderaalka Jarmalka ayaa soo saartay digniin caafimaad oo ay ku sheegayso in fadhiga badan iyo xarakaadka oo carruurta ku yaraadaa ay sababto buurni, xanuunka macaanka iyo dhibaato dhinaca fahamka maskaxda ah.

Digniinta xaruntan waxaa lagu sheegay isticmaalka ciyaaraha elektarooniga ah (Games) ee waqtiyadan dambe carruurtu aad u isticmaasho sida kuwa lagu ciyaaro taleefanka gacanta ee casriga ah, muraayadda Fiidyowga iyo kombiyuutarka ama qalabka kale ee loogu talagay, in ay ka mid yihiin sababaha ugu badan ee carruurta ku keena in xarakaadkoodu yaraado, sidaa awgeed ay waajib ku tahay waalidiintu in ay xakameeyaan waqtiyada ay carruurtu u fadhiyeyso ciyaarahan. Isla markaana ilmaha lagu dhiirrigeliyo in uu waqtiyada qaar bannaanka ama hawo furan ku ciyaaro.

Waxa ay digniintu sheegaysaa in ilmuhu uu celcelis ahaan waqti aan ka yarayn hal saac iyo badh maalinkasta ciyaaro ama xarakaad jidheed sameeyo, iyada oo tusaale u soo qaadatay jimicsiyada jidh dhiska ee da’da ilmaha ku habboon, sida xadhig ka boodka, baaskiilka, dabbaasha, orodka iyo noocyada kubadda. Ciyaarahan ayaa ay khubaradu sheegeen in ilmuhu ka helo jidh dhis, caafimaad iyo tababar bulsho oo uu dulqaadku ka mid yahay.