Caynaba (Dawan) Masuuliyiinta magaalada Caynaba ayaa hay’adda Action Aid kala wareegay warshado yar yar oo loogu tala galay inay sifeeyaan biyaha si ay u isticmaalaan bulshada.
Munaasabadda warshadahan lagu wareejinayay waxaa goobjoog ka ahaa maamulka magaalada Caynaba ,xubno kamid ah hay’adda Action Aid iyo marti sharaf kale.
Isu’duwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Saraar, Maxamed Saleebaan ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay.
Waxaanu yidhi “Halkan waxa naggu soo gaadhey warshadihi biyo macaaneynta, iyada oo uu 14-kii bisha wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Mudane Abibukar Cabdiraxmaan Good, uu hay’adda OXFORM kagala wareegey magaalada Berbera, wasiir waana soo gaadhey qalabkaasi, waxaanu balanqaadeyna in qalabkaasi sidii loogu talo galey uu u shaqeyn doono isla markaana looga faa’ideyn doono bulshadii loogu talo galey, bulshaweynta gobolka Saraarna waxa aanu fareyna inay ka faa’ideystaan biyaha”.