Xukuumadda Somaliland oo Dawladda Muqdisho ku Eedeysay Dagaalka ka dhacay gobolka Sanaag

0
107

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay (Dorraad) ku dhexmaray ciidamada Qaranka iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuur-madare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay weerar ku qaadeen dad xoolo-dhaqato ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay in Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo dhawaan socdaal ku tagay magaalada Laascaanood, uu lahaa abaabulka dagaalkan, si uu qalalaase uga abuuro gudaha Somaliland.

โ€œFicillada noocan ahi waxay khatar ku yihiin amniga gobolka, waxayna ka hor imanayaan mabaadiโ€™da madaxbannaanida iyo xidhiidhka derisnimo, xilli ay Somaliland hormuud ka tahay nabadda iyo iskaashiga Geeska Afrika, kicintan colaadeed waxay wiiqaysaa dadaallada nabaddaโ€Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Sidoo kale xukuumadda Somaliland waxay sheegtay in ay ka goโ€™an tahay in ay difaacdo madax bannaanideeda dhuleed iyo dadeeda, isla markaana ay dhiirrigelinayso nabad ku wada noolaanshaha gobolka.

Dhanka kale, waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay u dhug yeeshaan xiisaddan, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin lagu xakameynayo.