Maalinta Dhir Beerista Qaranka Ee 15-ka April oo Si Weyn looga Xusay Guud ahaanba Dalka Laguna Beeray 3 Milyan oo Geed

0
288

Xuska maalinta dhir beerista qaranka jamhuuriyadda Somaliland ee 15-ka April oo sanad kastaba laga xuso guud ahaanba goboladda iyo degmooyinka dalka ayaa sanadkan si weyn looga xusay dhamaanba dalka.

Waxaana xuska sanadkani ku lamaanaa in lagu beerayay dhir gaadhaysa 3 milyan oo geed oo kuwii bilawga u ahaa lagu bilaabay beeristooda isla xafladii lagu xusayay maalinta dhir beerista Somaliland, taasoo lagu qabtay guud ahaanba goboladda iyo degmooyinka dalka.

Ujeedada guud ee munaasibadda maalinta dhir-beerista qaranka JSL waxay ahayd in laga hortago saamaynta taban ee Isbeddelka Cimiladu ay ku leedahay guud ahaan noolaha, gaar ahaana nolosha bulshada Somaliland.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa xuskii maalinta dhirta beerista qaranka ee 15-ka April, oo sanadkan si weyn dalka looga xusay iyo hadaladii ay masuuliyinta kala duwan ee qaranku ka jeediyeen.

Xafladii ugu weynayd ee xuska maalinta dhir beerista qaranka oo lagu qabtay xarunta wasaaradda deegaanka ee magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), oo isagu gacantiisa ku beeray geedkii koowaad oo ka mid noqonaya 3 milyan oo geed oo la qorsheeyay in la beero muddo xilkeedkiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka hadlay Xafladda Maalinta Dhir-Beerista Qaranka waxa uu sheegay in kor u kaca heer-kulka, xaalufka baad iyo biyo-ba leh, abaaraha soo noqnoqday, bara-kaca bulshada xoolo dhaqata ah iyo beeraleyda ee sida xad-dhaafka ah ugu soo hayaamaya Magaalooyinka, dhammaantood waa arrimo salka ku haya Isbeddelka Cimilada iyo xaalufinta dhirtii uu dalkeenu hodanka ku ahaa. Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Dhir la’aantu ay tahay Nolol la’aan, waayo waxa ku xidhan nolosheenna iyo ta xoolaheenna.

Mashruuca Dhir-Beerista 3 Milyan oo meed muddo Xileedka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ayaa waxa dib loogu soo celinayaa carrada ku-haboon wax beerista, waxana lagaga hortagayaa nabaad-guurka muddooyinkii ugu dambeeyey ku dhacay carrada. Tallaabadan ayaa waxay salka ku haysaa ballan-qaadyadii uu Madaxweynaha JSL la galay bulshada Somaliland xilligii doorashada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo munaasibadii lagu xusayay khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in qorshaha xukuumadda Wadajir iyo waxqabad uu yahay in ugu yaraan saddex milyen oo geed la beero, si loo dhiiri-geliyo dhir-beerista.

Waxa kaloo uu xusay madaxweyne Cirro, in ay jiraan dhibaatooyin waayadan danbe soo waajahay deegaanka, isagoona sheegay in nabaad-guurka dhirta ay ka dhalato roob la’aan iyo nolol la’aan, waxaa uu intaas ku daray in dhulka Somaliland uu isu bedelay lama degaan kadib markii dhirtii la dhuxuleystay.

Madaxweyne Cirro, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo munaasibadan oo ah mid aad u qiimo badan, 15-ka April oo loo asteeyay maalinta dhir beerista. Hadafka xukuumadu waa in aynu beerno ugu yaraan 3 Milyan oo geed.

Waxaynu shidanaa waa dhuxul, waana dhir la shidey, qofkastana waa inuu ogaado in dhuxusha uu isticmaalayaa ay ka timid geed la soo shiday, dhir la’aanina waa roob la’aan, marka xigana waa nolol la’aan haddii roob di’iwaayo. Meelkasta oo dhirtu ku yaraato waxaa lagu sheegaa inay tahay lama degaan, markaa dhulkeena intiisi badneyd waxa uu isu bedeley lama-dagaan”.

Waxa kaloo madaxweyne Cirro, waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay dhiirigelinayaan beerista dhirta, waxaanu hoosta ka xariiqey in hadafkoodu yahay inay beeraan saddex milyen oo geed. Waxaanu yidhi.“Waxaynu dhiirigelineynaa in aynu dhirtii dib u beerno, hadafka xukuumaduna waa in ugu yaraan in 3 Milyan oo geed ugu yaraan aynu beerno, taasi macnaheeduna uu yahay in sannadkii in aynu beerno lix boqol oo kun oo geed, wasaaradda iyo shaqaalaheeda iyo hablaha beerey ee diyaariyay saddex boqol oo kun oo geed in maanta la beero, waxa farxad ii ah in aan ka qayb qaato dhir-beerista nasiibna aan u helo geed ka mid ah saddexda boqol ee kun ee geed mid ka mid ah inaan beero”.

Madaxweynuhu waxa si gaara fariin ugu direy ciidamada Qaranka iyo hay’addaha dowladda, waxaanu ku booriyey inay ka qayb qaataan ololaha dhir beerista Qaranka. Waxaanu yidhi “Dhammaan wasaaraddaha, hay’addaha madaxa bannaan iyo ciidamada waxaan ku boorrinaya inay ka qayb qaataan dhir-beerista”.

Wasiirka wasaaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/laahi jaamac Cismaan (Geeljire), oo isna xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in ay ka wasaarad ahaan ku hawlan yihiin sidii bulshadda reer Somaliland loogu wacyigelin lahaa ilaalinta dhirta iyo deegaanka.

Wasiir Geeljire, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dhir-beeristu waa shaqooyinka ugu muhiimsan ee wasaaradda Deegaanka, shacabka Somaliland dhamaan muwaadiinta JSL waxay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ka codsanaysaa inay kala qayb-qataan beerista dhirta iyo ilaalinta Deegaanka.

Madaxweyne meelo badan oo markaanu yar yarayn xoolaha yar yarayn aanu xoolaha ku raaci jirnay, maanta waa lama degaan. Dhamaanba haayadaha dawladda, wasaarradaha, dawladaha hoose, iyo ciidamadda qaranka waxaan farayaa in ay ka qayb qaateen beerits dhirta. Waxaanu dhiiri gelinaynaa in dhirtii dib loo beero.

Hadafka xukuumadu waa ugu yaraan in la beero 3 milyan oo geed. Sanad kastana waxaa la beeri doonaa 600,000 oo geed. Wacyigelintayadu waxay tahay dhirtan tacab badan ayaa naga galay, muwaadin aan dhamaanteen wada ilaalino, kana wada qayb qaadano beeristeedda. Waxa aan aad ugu mahad naqaya badhasaabka Togdheer Ramaax oo judhiiba bilaabay ilaalinta deegaanka.”

Geesta kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Maxamed Aw-daahir, oo isna hadal ka jeediyay munaasibadii lagu xusayay maalinta dhir beerista qaranka ee 15-ka April, ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu kala shaqeeyo arrimaha ilaalinta deegaanka.

“Madaxweyne waxaan u kaa codsanaynaa, maadaama aad ciidamadii medeniga ahaa aad qaramaysay in aad ciida dalka iyo deegaankaba qaramayso, oo nala ilaaliso” ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka wasaaradda deegaanka Somaliland Maxamed Aw Daahir.

Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Cabdi Cali Mahdi, oo isna xafladii xuska maalinta dhir beerista ka hadlay ayaa sheegay in geed kastoo la beero inuu faa’iido u leeyahay nolosha bini’aadamka.

“Mudane madaxweyne geed kastoo la beero, wuxuu daawo u yahay dhimista isbedelka cimiladda iyo kala duwanaanshaha noolaha” ayuu yidhi Cabdi Cali Mahdi, agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale waxaa munaasibado lagu xusayay maalinta dhir beerista qaranka ee 15-ka April, lagu qabtay guud ahaanba goboladda iyo degmooyinka dalka, iyadoona dhamaanba xafladihii magaalooyinka waaweyn ee goboladda dalka iyo degmooyinkaba.

Waxaana munaasibadahaasi kala qayb galay bulshooyinka masuuliyiinta goboladda sida badhasaabyadda, iyo maayrada magaalooyinka, iyo masuuliyiinta kale ee kale.

Xuska maalinta dhir beerista magaalooyinkii sid weyn looga xusay waxaa ka mid ahaa magaaladda Burco, ee xarunta gobolka Togdheer, iyadoona halkaa uu barnaamijkii dhir beerista kala qayb galay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (ramaax), iyo maayarka Burco, iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa iyagna xuska maalinta dhir beerista qaranka laga xusay magaalooyinka Berbera, Ceerigaabo, Boorama, Oodweyne, Gabiley, Caynaba, Ceel-Afweyn, Tog-Wajaale, iyo degmooyin kale, iyadoona dhamaanba xafladihii lagu xusayay maalinta dhir beerista ay bulshadda magaalooyinkaasi kala qayb agleen masuuliyiinta degmooyinkaasi.