• Shamacyadu way kala duwanaan karaan xajmiga laakiin iftiinku waa isku mid. Qiimuhu maaha derejada aad leedahay laakiin waa tayada aad leedahay.
• Xushmee qof kasta xataa haddii aanu u qalmin. Falcelinta xumi waa dhaqanka liita.
• Liibaantu dhamaanteed waa in qofku naftiisa xakameeyo, xumaan oo dhami waa isagoo naftiisa sii diiya
• Hadalka debecsani wuxu jilciyaa quluubta ka adag dhagax, hadalka xumina wuxu kharibaa quluubta xariirta
• Haddii laga aamusi lahaa waxa aan la garanayn, khilaafka dadkuna wuu yaraan lahaa”.