Diyaarada qiimaheedu yahay 60 milyan oo doollarka ayaa Ciidamada Badda ee Maraykanku waayeen

0
151

Diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F/A-18 Super Hornet ayaa lagu waayay badda kadib ay ka dhacday markabka USS Harry S. Truman, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen ciidamada badda.

Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in wararkii ugu horreeyay ee laga helay ay muujinayaan in Truman uu masaafo aad u weyn uga leexsaday si uu uga baxsado weerarka Xuuthiyiinta, taas oo gacan ka geysatay in diyaarada dagaal ay ku dhacdo badda. Xuutiyiinta Yemen ayaa Isniintii sheegtay inay diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaal ku weerartay markabka siday diyaaradaha, kaas oo ku sugan badda cas, waxaana uu qayb ka ahaa howlgalka ciidamada Maraykanka ee ka dhanka ah kooxda ay Iiraan taageerto.

Dhammaan shaqaalihii saarnaa waa la hubiyey, mid ka mid ah badmaaxiintana waxaa soo gaadhay dhaawac fudud, ciidamada badda ayaa yidhi.

“Diyaaradda F/A-18E waxay waxay ku dul xidhnayd Markabka, waxay ka booday xadhigii xakamaynayey shaqaaluhuna waxay ay lumiyeen xakamaynta diyaaradda. ” baadhitaan ayaa socda.”

Sarkaal labaad oo Maraykan ah ayaa CNN u sheegay in diyaaradda Diyaaradda F/A-18 ee degtay ay ku kacaysa in ka badan 60 milyan oo dollar, sida ay sheegeen ciidamada badda.

Markabkan diyaaradaha xambaara ee Truman Carrier ayaa la geeyay Bariga Dhexe xilligan weeraradana waxay ku sugnaayeen Badda Cas. Ciidanka badda Maraykanka ayaa sheegay isniintii in kooxda xuutiyiinta iyo garabkeeda cirku ay weli sii yihiin kuwo awood buuxda leh. Truman ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday weerarada Xuutiyiinta .

Todobaadyadii la soo dhaafay, maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ah ee lagu beegsanayo bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Yemen, taasi oo keentay hanjabaado aargoosi ah oo ka dhan ah maraakiibta dagaalka Maraykanka ee kooxda fallaagada.

Xuutiyiinta ayaa Isniintii sheegay in duqaymo dhanka cirka ah oo Maraykanku uu ka gaystay xabsi ay ku jiraan muhaajiriin Afrikaan ah oo ay ku dhinteen tobanaan qof. Milateriga Mareykanka wax hadal ah kama soo bixin.

Maraakiibta ciidamada badda ee Maraykanka – Markabka dagaalka ee ugu waaweyn aduunka ayaa dhererkiisu yahay ku dhawaad ​​1,100 fuudh wuxuuna yahay ku dhawaad ​​100,000 oo tan. Waxaa ku shaqeeya laba dab dhaliye oo nukliyeer ah waxay ku socon karaan xawaare ka badan 34 mph.